crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Wixii aan kusoo arkay Xajka iyo Waaya’aragnimadayda! | HimiloNetwork

Wixii aan kusoo arkay Xajka iyo Waaya’aragnimadayda!

MUQDISHO (HN) — Waaya’aragnimadayda Xajka waa qiso aniga igu saabsan. Laakiin dhammaadkeedu waxay ku saabsan tahay adiga!

Mid kamid ah duullimaadyadii iigu weynaa iyo safarkaygii koowaad oo aan ku aado dibadda, waxaa Eebbe i waafajiyay inuu noqdo midkii aan ku tagi lahaa Gurigiisa – anigoo Xaaji ah.

Dhowr jeer oo flight-kii aan ku qornaa uu iga baaqday kaddib, waxaa ugu danbeyntii la iigu bishaareeyey inaan tagayo maalinta gunaanadka. Maalmihii aan ku jiray is-diyaarinta, waxaan aad ugu mashquulay barashada iyo daba-galka culuumta la xiriirta acmaasha Xajka iyo Cumrada. Balse wax badan kuma ayan soo kordhin maskaxdayda.

Galab gabbalkeedu sii dhacayo ayaan ka degnay Madiina al-Munawara. Saddexdii cisho ee xigtay galabkaas waxaan waqtigeenna ku qaadanay booqashada meelaha raadadka taariikhiga leh ee magaalada; Buurta Uxud, Jabal-ruum, Xabaalaha Baqiic iyo Shuhadaa iyo dabcan tan ugu muhiimsan iyaga oo dhan – Masaajidka Nabiga NNKH iyo Baabul Salaam oo ah halka laga galo qabriga Suubanaha ay kula dhinac aasan yihiin abu Bakar iyo Cumar bin Khadab RC.

Marka intaas laga yimaado, Madiina inteeda kale kama duwana muuqaal ahaan magaalooyinka Sucuudiga. Haddaanu jiri laheyn raadad la booqdo oo magaalada ku yaalla, waxaa shaki la gelin lahaa sugnaanshaheeda. Sidaas darteed, booqashada xarumaha iyo goobaha bud-dhigga u ah ilbaxnimada Umadda Islaamka, kaliya kuma saabsan dalxiis iyo siyaaro. Waxay goor walba u taagan yihiin  isku xirka muuqaalkii 1400 sanno kahor iyo midka maanta ka jira oo runtii aad isku weydaaran. Waayo xawliga dhismaha ku socda iyo degaamaysigeedu waxay goor hore magaalada u rareen caalamka koowaad. Waxayna xitaa ka dhismooyin qurxan tahay London iyo Paris.

In kasta oo Xaaji walba uu xaq u leeyahay in la geeyo magaalada Madiina, haddana ma ahan mid waajib ah diin ahaan. Balse waa jaceylka iyo buseylka loo qabo booqashada magaalada labaad ee Islaamka iyo caasimaddii ugu horreysay Muslimiinta midda qof walba ku qaadaysa inuu naftiisa ku arko gudaha Madiina. Balan-qaadkii uu Suubanaha NNKH ugu yaboohay qof walba oo soo booqda inuu Xawdkiisa ka cabi doono Maalinta Qiyaamaha ayaa sidoo kale xoojinaysa.

Maalin kahor inta uusan bilaabanin Xajka ayaan ka nimid Madiina. Halkani waa meesha ay ka bilaabanayso howsha ugu adag. Maadaama hadafka ugu weyn safarku yahay gudashada acmaasha Xajka iyo Cumrada, Xujeydu aalaaba waxay tallaabta ugu horreysa kala kulmaan jaha-wareer. Saddexda nuuc ee Xajka – Tamatuc, Ifraad iyo Qiraan – oo Xaaji walba ay u bannaan tahay inuu doorto, Soomaalidu inta badan waxay doortaan Tamatuca. Aniguna waxaan kamid noqday kuwaas. Waxaase jiray in kale oo xirtay Ifraad kuwaas oo safarka aan isku dhinac iyo qol degnay. Halkan waa meesha ay tahay inaad la socotid dadka aan mar dhoofka aheyn – oo sidoo kale saddexda nuuc ee Xajka midkood aad wada xiran tihiin. Haddii kale waa kugu dhici kara jah-wareer.

Oraah ahaan, Tamatucu waa jaad kamid ah saddexda jaad ee Xajka loo xirto. Wuxuu qofka xirtaa farayaa inuu marka hore xirto Cumrada. Deedna marka uu guto acmaasheeda uu iska dhigo dharka cad – isaga oo xiranaya dharkiisa caadiga ah ilaa maalinta 8aad oo ku beegan bilowga Xajka; markaas oo uu dib u xiranayo. Xaajiga waxaa sidoo kale laga rabaa inuu la yimaado Hadyi ama xoola-qal.

Bilowga Maalmaha Xajka oo la joogayo Mina iyo Muzdalifa, waa bar-kulanka gudashada acmaasha, waana isla goobahan meelaha – inta la joogayo – la iska rabo in laga haro muxaramaad oo idil. Degista teendhooyinka qabowga badan marka ugu horreysa oo kala-jiidashada joodariyada iyo boosaska ay iska yihiin wax caam ah inaad aragto waxay kugu beeri kartaa rag iska dhicin iyo isku dhac. Haddii aad kamid noqoto kuwa gudaha u gala teendhooyinka – oo aysan ka buuxsamin inta uusan imaanin – waa inaad ku qanacdaa in meeshii bannaan aad iska goglato. Hajeclaan muranka iyo qeylada. Haku degdegin qabsashada joodari meel yaal ama boos qaawan. Weydiiso in badan.

Haka walwalin gaajada. Hana u hanqal-taagin hunguri lagu ag marsiinayo. Waayo waxaan ogaaday inaan goobahani lagu gaajoon. Cunnooyinka – saddexda waqti – waxaa laguugu keenaya si bilaash ah. Biyaha mooyo-sixada ah waxay kuugu jiraan qaboojiyaal. Hadba markii aad yara oonto waxaad kala soo baxaysaa qaboojiyaha. Balse haddii aad tahay qof kaadida aan heysan karin saacado xiriir ah, waxaan kuugula talinayaa inaad iska yareyso cabitaanka badan. Waayo safafka har iyo habeen loogu jiro isticmaalka musqulaha, waxay runtii kugu qasbaysaa dhaqan xun inaad ku dhex sameyso gudashada Xajka. Xujey badan waxaa la arkay iyaga oo biya-mareennada ay ku shubmaan biyaha lagu weyso-qaato u adeegsanaya inay ku daadiyaan kaadidooda.     

Sidaas darteed, waa adiga iyo wardigaada inaad fursad fiican isku heshaan oo aad in badan Eebe tasbiix iyo taxmiid siisaa. Horay usoo qaado kitaabkaada iyo tusbaxaada. Haddii aad sheekaale aheyd, hadda shibannaanta ka dhigo dhaqan iyo edeb. Joogitaanka Mina iyo Muzdalifa wuxuu runtii mararka qaar kuula muuqanayaa mid micnahoodii la hareer-mariyay. Taas waa marka aad aragtid Xujey afar-afar iyo laba-labo u koodaysa iyo qaar siyaasad iyo taariikh hore ka sheekeysanaya. Kuwa ayaaba – inta la joogo labadan goobood – xittaa iska caba sigaarka.

Basaska lagu daabulo xujeyda marka loo sido Carafa waa meel kale oo mudan in fiiro gaar ah loo yeesho. Inta badan Xujeydu waa goorta ay kala lumaan siiba marka laga soo noqonayo Banka Carafo. Tusaale ahaan, baskii aan saarnaa waxaa ku kala lumay wiil iyo aabihiis oo naafo ahaa. Waxay igu qaadatay inaan aniga iyo aabihiis oo ku harnay gaariga uu waagu noogu baryay kob aanan garaneyn. Markaas kaddibna aan taksi usoo kiraysanay Jamaraat-ka – meesha dhagax-tuurka laga sameeyo – si aan acmaasheenna usii wadanno.

Saddexda maalin ee ka danbeysa Maalinta 10aad oo Ciidda ku beegan, maadaama lagu negaanayo Mina, hal camal oo kaliya ayaa la iskaga baahan yahay; tuurashada dhagxaanta oo loo aadayo Jamaraat-ka. Sidaas awgeed, wardiga iyo Alle bariga ku dadaal.

Si guud labada magaalo – Makka iyo Madina – waa dhul suudiga cadceeddu ay aad ku kulushahay. Laakiin gudaha hoteellada la degan yahay iyo Masaajiddu waa qabow. Cunnooyinka magaalada laga cuno waxaa ku badan basbaaska. Hargabka iyo madax-xanuunku waa iska caadi. Mararka qaar gudaha Masjidka waxaa afartiisa dhinac ka qunfacaya 10 qofood oo dalal kala duwan ka yimid. Is-beddelka cimilada ayaa saameynaya.

Lacagta sahayda ah ee Xajka loo soo qaato, qasab ma ahan inay aad kuugu badato. Marka laga yimaado lixda maalin ee acmaasha Xajka la gudanayo oo wax qarash ah uusan kugu baxaneynin, maalmaha kale ee joogitaankaada Makka, waxaad maalin walba cuni kartaa Khubzi iyo Fuul iyo labo moos ah; qiimahooduna uu yahay 5 Riyal ama 1.5$. Haddii aad isku geysid bisha oo dhan, waxaa kugu filan 50$. Balse waxaad usii baahnaan kartaa shaah iyo gaari raac aad ku bixinayso marka aad meel magaalada kamid ah u baahato sida Xaramka ama Masjidka Caa’isha oo ah meesha laga soo xirto Cumrada. Taas oo haddii iyadana la isku daro aan ka badneyn 100$. Sidaas darteed, qofkiiba waxaa ku filan 200$.

Haddii aan nahay Soomaali, waxaa aad noogu yar dulqaadka iyo kaadsiinyada. Dhursugeennu aad buu u liitaa. Marka laga soo fara-xasho acmaasha, qof walba wuxuu jecleysanayaa inuu degdeg dalkii dib ugu laabto. Iyada oo qaarkood aysan heysan sabab ku qasbaysa inay safar u haliilaan sida sahayda oo ku go’da ama xanuun kusoo booda, waxay subax walba jecleystaan in liiska dadka baxaya lagu soo daro. Tani waxay xiisa-dhac iyo laab-la-kac ku beertaa mar-dhoofkii jeclaa inuu maalmo badan ku sii negaado magalaada barakaysan.

Guntii, wax badan oo wanaag ahna waan kaga horreynaa umadda Muslimka ah, waxaana shaki uusan ku jirin inay wax badan nooga fiican yihiin. Nidaamsanaanta iyo kala danbeynta; isku xirnaanta iyo iska warqabka aad bay nooga horreeyaan. Ilaahay acmaasheenna hanaga aqbalo. Muslimiinta kale inaan qudwo u noqonana Ilaahay hanoo kaso.

Qore: Zakariya Xasan Maxamed – ah suxufi, qoraa, iyo geyfane degaan; waa helaha iyo mulkiilaha Shabakadda Arrimaha Bulshada, Dunida Muslimka iyo Degaanka ka faaloota ee Himilonetwork.com. Wuxuu sannadka 1440 Hijriyada kuna beegan 2019 Milaadiyada kamid noqday Xujeydii Soomaaliyeed ee u baxay gudashada acmaasha Xajka iyo Cumrada.

error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!