crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Maxaa xadka laba dal looga dhisay Siisaw lagu ciyaaro?! | HimiloNetwork
Children and adults play on pink seesaws, installed by Ronald Rael to symbolically bridge the divide and encourage both children and adults to play, along the U.S.-Mexico border in Sunland Park, New Mexico, U.S. July 28, 2019, in this picture obtained from social media. Picture taken July 28, 2019. Mandatory credit RAEL SAN FRATELLO/via REUTERS ATTENTION EDITORS - THIS IMAGE HAS BEEN SUPPLIED BY A THIRD PARTY. MANDATORY CREDIT. NO RESALES. NO ARCHIVES.

Maxaa xadka laba dal looga dhisay Siisaw lagu ciyaaro?!

MEXICO (HN) — Laba barafeesar oo California jooga ayaa xadka labada dal ee Mexico-US waxay ka dhiseen siisaw – dadaal ay ku doonayaan inay ku wiiqaan qorshaha Donald Trump uu ku doonayo inuu xadka labada dal kaga dhiso gidaar dhererkiisu yahay 2,000 mile.


Siisawga oo laga sameeyey xadka labada magaalo ee New Mexico iyo
Ciudad Juarez, ayaa carruurta iyo dadka waaweyn intaba u oggolaanaya inay labadiisa dhinaca ee dhaca labada dal soohdimahooda kasoo fuulaan si ay wadajir ugu ciyaaraan.

Ronald Rael oo Jaamacadda California ka dhiga cilmiga dhismaha, kaas oo aragtidan la yimid, wuxuu sheegay in fikraddani ay kusoo jirtay dhiraandhirin oo ay ugu danbeyntiina dhaqan-galeyso.

Wuxuuna anba-qaadkeeda ku tilmaamay tallaab farxad iyo wadajir iyo niyad-samaan ugu fadhisa mujtamaca labada magaalo ee xudduudda labada waddan ku yaalla.

“Waxaan ku cadeyneynaa dhismaha siisawgani iyo gidaar la dhex marsiiyo labada shacab aysan go’aamin doonin sida ay u wada noolaan karaan mustaqbalka,” ayuu yiri.

Muuqaalka laga soo duubay siisawga oo aad ugu baahay baraha bulshada ayaa la yimid fal-celin togan iyo soo dhaweyn ballaaran.

“Xusuusin qurxan oo ka turjumaysa inaan wadajir nahay wali: wixii ka dhaca hal dhinacna ay saameynayso dhinaca kale,”ayuu bartiisa twitter-ka soo dhigay Jilaaga Mexico, Maurico Martinez.

error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!