crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Taageere Liverpool: “Saleh ayaa sabab u noqday inan Islaamo.” | HimiloNetwork

Taageere Liverpool: “Saleh ayaa sabab u noqday inan Islaamo.”

LONDON (HN) — Markii taageerayaasha Liverpool ay ku heesayeen “haddii uu goolal sii dhaliyo, waxaan noqonayaa Muslim”, Ben Bird waxay taabanaysay qalbigiisa.


“Waxaan aalaaba rumeysnaa in Muslimiintu yihiin ummad dib-u-dhac, dagaal iyo bulsho xiran yihiin,” ayuu yiri Bird. “Ma filayo inaan muuqaalkaygu is beddelay, laakiin qalbigaygu wuu xasilay.”

Ka British ku nool degaan aalaaba laga baahiyo naceybka iyo dhinaca madow oo lala xiriiriyo Islamka iyo Muslimiinta, Bird wuxuu ahaa mid neceb bulshadaas.

Wax yar kaddib shahaadadii uu ka qaatay culuumta daraasaadka Bariga Dhexe ee Jaamacadda Leeds ayaa beddeshay wax walba.

“Si cilmiyaysan waxaan u bartay Islaamka iyo nolosha; taariikhdiisa iyo raadadka ilbaxnimadiisa,” ayuu yiri.

Kaddibna wuxuu ahaa Mohammed Saleh midkii ku guuleystay laabaha taageerayaasha Liverpool oo Bird uu kamid yahay.

“Wuxuu si ficil ah ii baray sida loo noqdo qof iyo Muslim caadi ah,” ayuu yiri.

error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!