RIYAD (HN) — Wasaaradda Caafimaadka Sucuudiga, oo dagaal weyn ku iclaameysay sigaar cabista, ayaa qorsheynaysa inay dhisto qolal goonni ah oo lagu dhex nuugo sigaarka gudaha xarumaha waaweyn.
Ilo lagu kalsoon yahay ayaa sheegay in Wasaaraddu ay quuddareynayso dhismaha qolal saddex mitir midkiiba la’eg yahay oo kuwa caba sigaarka ay ku dhex nuugi karaan. Waxaana loo dhisayaa si ku filan kuwa caba sigaarka kana madax bannaan, saameyn ahaan, kuwa aan dooneyn in lagu ag nuugo.
Kol hore waxaa jaad kamid ah qolalkan laga dhisay gudaha dhismaha Wasaaradda Maaliyadda. Ilaha ayaa sidoo kale sheegay in Wasaaraddu ay waddo, qaabeynta xarumo caafimaad oo gaar u ah dadka caadeysta cabista sigaarka oo la-talin iyo daawooyin bilaash ah lagu siin doono.
Waxay sheegeen in bilowgii sannadkan, xarumahani caafimaad ay 11,441 oo qof ka caawiyeen inay ka reebtoomaan sigaar nuugidda.
Jeer iyo hadda, Wasiirka Shaqada iyo Horumarinta Bulshada, Ahmed al-Rajhi ayaa qalinka ku duugay xeer dhigaya inaan xarumaha dowladda lagu dhex cabi karin sigaarka wixii ka danbeeya bishan September.
In kasta oo qofkii lagu helo jabinta xeerka Wasaaradda uu mudan doono abaal-marin qaraar, haddana waxay soo dhaweysay dadaallada ay waddo Wasaaradda Caafimaadka oo ay ku dooneyso in qolal gaar ah loo dhiso dadka caba sigaarka.
You must log in to post a comment.