crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> 32 jir – si uu ugu dhoofo Maraykanka – iska dhigay 86 jir! | HimiloNetwork

32 jir – si uu ugu dhoofo Maraykanka – iska dhigay 86 jir!

MUQDISHO (HN) — Marka aad muuqaalka sare ka eegto wuxuu kuula muuqda sida qof waayeel ah. Waana xeeladdan midii uu ku qalday waaxda amniga garoonka.

Wuxuu iska dhigay 81 jir isaga oo da’diisa dhabta ah ay tahay 32. Jayesh Patel waxaa lagu xiray gegida Indira Ghandi isaga oo duulimaad u ah Maraykanka. Wuxuuna iska dhigay waayeel 86 jir ah.

Wuxuu kol hore sidaan kusoo qalday waaxda socdaalka iyo jinsiyadda isaga oo baasaboorkiisa ku qaatay sida qof waayeel ah. Muuqaalka uu kusoo muuqday iyo xogta ugu qoran baasaboorka ayaa isku yeeshay si sax ah.

Balse maanu fileyn in beentiisa laga daba tagi doono.

Wax miin ah in laga waayay wejigiisa ayaa keentay in laga shakiyo taas oo kaddib baaris dheer la ogaaday inuusan  jirin da’da u qoran. 

error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!