crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Burkiyeerkii ugu horreeyey oo Islaami ah oo laga furay Tokyo. | HimiloNetwork

Burkiyeerkii ugu horreeyey oo Islaami ah oo laga furay Tokyo.

TOKYO (HN) — Xarun burkiyeer cusub oo Islaami ah tii ugu horreysay ayaa lagu furay caasimadda Tokyo taas bixin doonta adeeg ku saleysan Shareecada oo loogu adeegi doono gabdhaha Muslimaadka ah ee doonaya inay helaan meel ay isku qurxiyaan, sida laga soo xigtay The Asahi Shimbuni.


“Adeegani waa mid fariid ah, wuxuuna ku siinaya dareenka bogsasho ah,” Dhyah, oo 24 jir Induniisiyan ah, oo wax-barasho u joogta dalka Japan muddo lix sanno ah ayaa u sheegtay warbaahinta.

Gudaha Burkiyeerka, gabadha Muslimadda ah waxay si xurnimo leh iskaga siibi kartaa xijaabka iyada oo aan ka baqeyn inuu usoo galo qof ka ajnabi ah ama inay raggu arkaan.

Naoki Okamoto, oo 43 jir ah, ayaa ogaatay in baahi ay u qabaan haweenka Muslimiinta ah xarun ay isku qurxiyaan oo aan cid kasta idan u laheyn inuu la soo gali karo. Waxayna la timid fikraddii lagu aas-aasay xaruntan cusub.

Waxaa intaas dheer inay daraasad ku sameysay waxyaalaha bannaan ee gabadha Muslimadda ah lagu qurxin karo.

Islaamka ayaa xirashada xijaabka u arka dhar labiseed sharci ah. Mana kaga dhigna astaan diimeed muujinaysa gaaroobid.

error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!