crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Muslim $2,000 dib ugu celiyay qofkii lahaa oo diiday in la abaal-mariyo. | HimiloNetwork

Muslim $2,000 dib ugu celiyay qofkii lahaa oo diiday in la abaal-mariyo.

ROMA (HN) — Da’yar u dhashay dalka Bangladesh oo dukaan dharka lagu iibiyo ku leh magaalada Roma ayaa lagu bogaadiyay daacadnimadiisa kaddib markii uu dib u celiyay lacag $2,000 – iskana diiday inuu qaato lacag baadi-fur ahaan lagu abaal-marin rabay, sida laga soo xigtay IimFeed.


Mossan Rasal wuxuu usii jeeday shaqadiisa markii uu jidka ka helay boorso lacag ay ku jirto.

“Markii aan arkay waan dareemay inay tahay mid qof ka dhacday oo baadi ah. Waxaana eegay gudaheeda.. Saa waxaaba ku jira lacag badan balse ma tirin,” ayuu yiri. “Markiiba waxaan u qaaday sal-dhigga booliska.”

Durba wuxuu naftiisa ka dhex helay isaga oo ku jira sal-dhiga, waxaana laga guddoomay baadidii uu siday.

“Maba isku dayin inaan ku fikiro, waayo waxan ogaa inaysan aheyn taydii saxda aheyd,” ayuu yiri wiilkan 23 jirka ah.

Booliska ayaa uga mahad-celiyay tallaabadiisa daacadnimada leh.

Saacad kaddib booliska ayaa uga yeeray sal-dhigga si ay ugu sheegaan in mulkiilaha baadida uu helay uu doonayo la kulankiisa.

Ninka ayaa rabay inuu abaal-marin siiyo Rasal, balse wuu ku gacan-seyray – isaga oo xusay inuusan sameynin wax weyn.

Rasal ma ahan Muslimkii ugu horreeyey ee daacadnimo kaga yaabsada dunida.

Sannadihii dhawaa waxaan daabacnay dhowr sheekooyin oo qisadiisa lamid ah kuwaas oo caalamka soo jiitay.



error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!