HomeLa-yaabkaSawirro - Farshaxan-yaqaan reer Portugal oo Dunida ka yaabsaday!

Sawirro – Farshaxan-yaqaan reer Portugal oo Dunida ka yaabsaday!

LISBON (HN) — Farshaxan-yaqaan u dhashay dalka Portugal ayaa leh hibo dadka qaarkiis la dhinac-simayaan awood-dabiici ah. Wuxuu shaki gelin karaa dhugashada hore ee aragtida indhahaada. Wuxuuna kugu qasbayaa inaad mar labaad ku laabato si aad u hubsato.

Isaga oo 14 jir ah ayaa soo bilaabay xirfadda farshaxanka, Rodrigo Miguel Sepulveda Nunes, oo hadda 36 jir ah. Sannadkii 2007 ayuu bilaabay inuu u shaqeysto si madax bannaan kaddib markii uu dhameeyey wax-barashadiisa kuleejka.

Waxaa loo tix-geliyaa mid kamid ah farshaxan-yaqaanada adduunka ugu hibada sarreeya.

Rodrigo ma ahan Portugese-ka kaliya ee farshaxanka caan ku ah. Waxaa jira Odeith oo ah mid kale oo si qurux badan gidaarada u saari kara sawirro cajiib leh.

Himilo
Himilohttp://Himilonetwork.com
Zakariya Xasan Maxamed - waa helaha iyo mulkiilaha Shabakadda Himilo, qoraa, suxufi iyo geyfane u ol'oleeya arrimaha bulshada iyo degaanka. Wuxuu marqaatiga koowaad ka heystaa culuumta siyaasadda iyo maamulka.
RELATED ARTICLES

Most Popular

Recent Comments