crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Haweeney – Qosolkeeda badan awgiis – Afku iskugu qabsami waayay! | HimiloNetwork

Haweeney – Qosolkeeda badan awgiis – Afku iskugu qabsami waayay!

MUQDISHO (HN) — Haweeney Shiinees ah ayaa dhawaan awoodi waysay inay isku qabato labadeeda daan ee afka kaddib markii fadhiga gowsaha ay kala durgeen. Waxaana tani ay timid markii ay si xad-dhaaf ah u badsatay qosolka.

Shilkan ayaa dhacay bilowgii bishan iyada oo tareen usoo raacaysa Guangzhou. Dr. Luo Wensheng, oo kamid ah rakaabka tareenka ayaa u degdegay xaaladda haweeneydan markii uu soo gaaray warka dhiillada ah. Wuxuu u tagay haweeneydan oo afkeedu furan yahay oo aan awoodi karin inay isku qabato. Kolkii hore waxaa loo fishay inuu ku dhacay cudurka Qalalka, balse cadaadiska dhiiggeedu wuxuu ahaa mid iska caadi ah.

Waxyar kaddib markii lala hadlay goobjoogayaal ka ag dhawaa haweeneydan ayaa sheegay in shilka uu kasoo gaaray qosolka badan oo ay waday muddo dhowr ah.

“Waxay daadinaysay dhareer; waxaana mooday inuu ku dhacay Qalal,” ayuu yiri Dr. Wensheng. “Balse waxaan ka himliyay ‘cabbiray’ dhiigga. Markii aan weydiiyay su’aalo dhowr ah, waxaan ogaaday inuu kala wareeg ku dhacay fadhiga gowsyada.”

Dadaal walba oo ka baxay Wensheng uma suura-gelin inuu xaaladda haweeneydan la tacaalo. Waxaase uu sheegay inuu halis badan kala kulmayo haddii uu isku dayo inuu toosiyo fadhiga gowsaha.

“Markii aan ku taliyay in isbitaal ugu dhow lagu dejiyo waxaa la ii sheegay inuu u jiro ku dhawaad saacad kale,” ayuu yiri. “Kolkaas kaddib waxaan isku dayay mar labaad.”

Markan, Dr. Luo wuxuu ku guuleystay inuu fidiyo ama booskooda ku celiyo gowsaha. Haweeneyda ayaa awooday in mar labaad ay isku qabato afkeeda.

error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!