crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Hooyo – si ay deynta iskaga bixiso – Mataanaheeda iska iibisay. | HimiloNetwork

Hooyo – si ay deynta iskaga bixiso – Mataanaheeda iska iibisay.

BEIJING (HN) — Hooyo keli-nool ah oo ku nool dalka Shiinaha ayaa xabsiga loo taxaabay dhawaan markii la ogaaday inay mataano ay dhashay ku iibsatay adduun dhan 65,000 yuan ($9,100) si ay ugu deyn baxdo kagana iibsato moobil cusub.

Marka loo eego Ningbo Evening News, hooyadan oo ku jirta da’da 20 jirka ayaa lagu soo waramay in bishii September sannadkii hore ay iska iibisay laba cunug oo mataano ah oo ay dhashay – sababta oo ah waxay iska aheyd xubeer; waxaana lagu lahaa deyn badan.

Magaca haweeneydan oo lagu sheegay Ma waxay intaas ku dartay in markii ay qaaday uurka labadeeda cunug ay waalidkeeda kala kulantay diidmo xooggan oo ay ku gacan seyreen inay la koriyaan ilmaha.

Xittaa aabaheed Wu wuxuu u sheegay inuusan dooneyn inuu waxtaro iyada iyo ilmaheeda. Sidaas darteed, Ma ayaa go’aansatay inay ku deyn baxdo mataanaheeda kana iibsato wixii kale oo muhiim u leh si ay ugu noolaato.

error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!