crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Akhriso : Ereyo Ama Oraahyo Jaceyl oo Xikmado badan Xumbaarsan | HimiloNetwork

Akhriso : Ereyo Ama Oraahyo Jaceyl oo Xikmado badan Xumbaarsan

Muqdisho (Himilonetwork) – Maanta waxaan doonayaa Mudanayaal iyo Marwooyin in aan shacabka Soomaliyeed intooda wax akhisa u soo bandhigo Oraahyo ama Weedho Xikmado badan xambaarsan, waxaan sidaa u doorbiday in arimaha Siyaasadda oo ay Soomalida  Qoraaladoodu u badan yihiin Maanta laga yare jaleeco. inta badan waa weedho ama oraahyo aan rumeysanahay in wax badan laga fa’iidi doono, sababtuna waxa weeye waxay xambaarsan yihiin intooda badan arimaha Jacaylka. Waxaan qiyaasayaa in ay dad badan saamayn ku yeelan doonaan Oraahyada qaarkood.
NB. Waxaa laga soo xigtey Page-yo badan oo wax lagu qoro, waxaana aan uga Mahadcelinyaa Cabdulahi Max’ed Shirwac oo ii soo diray Weedhahaan iyagoo Ingiriis ku qoran.
·         Qofka aadka kuu jecel ma ahan qofka maalin walba ku arka ee waa Qofka maalin walba ku fiiriya.
·         Hadiyaduhu ma xaliyaan dhibaatooyinka jira, laakiin waa bilow wanaagsan
·         Haddii aad faraxsan tahay macnaheedu ma ahan in wax walba ay kuu hagaagsan yihiin, laakiin wanaagga ayaa kuu muuqda.
·         Markii aad wanaag u rajayso dadka kale waxaa hubaal ah in wanaagaasu kugu soo laabanayo
·         Mar-marka qaar markaad la hadlayso saxiibkaaga koowaad  waa dawada kaliya ee aad u baahan tahay.
·         Hadal la’aan xiriir ma jiro, Xushmad la’aanna  Jacayl ma jiro, Aaminaad la’aanna  ma jirto sabab xiriir lagu sii wadi karo.
·         Waqtigaaga inta badan ku khasaari Waalidkaa, sababtoo ah hal mar markaad Telfoonka ka  eegto siima joogayaan waqti badan.
·         Xiriirada jacaylku  waxay la mid yihiin Shinbiraha, Hadaad xoog u qabato waa ay dhimanayaan, Haddii aad Beerdaraysana  waa ay duulayaan, laakiin hadaad u qabato si taxadar leh waa ay kula joogyaan Abidkaa.
·         Waqtiyada qaar waxyaabaha xaqiiqdii aad u baahan tahay waa qof ku siiya waqti, ogolna inuu ku dhegaysto.
·         Sida saxda ah dadka daacada ahi ma laha  saaxiibo badan, laakiin waxay leedahay saaxiibo rumaad.
·         Noloshu aad  ayey u  gaaban tahay ee waqtigaaga la dhamayso saaxiibo diinta jecel oo ku waaniya mar kasta .
·         Si Jacaylkaagu u guulaysto Ha noqon mid jacaylka ku dawarsada ee ahow mid Jacaylka lacag ku bixiya.
·          Ogsoonoow dadka Quruxda badani ma ahan mar walba kuwa wanaagsan, laakiin  dadka wanaagsan ayaa mar walba Qurux badan.
·         Ahow mid mashquul badan waxaad jeclaanetsaa noloshaada, ma heleysid  waqti aad wax ku naxdo, ku shalayso amaba aad ku cabsato.
·           Haddii aad Gabar jeceshahay xor ka dhig, haddii ay  kuu soo laabato waxay ahaanaysaa Adiga, haddii aaney kuu soo laabanna meel kaama jirto.
·         Marka qof kugu  sameeyo wax ku dhaawacaya, naftaada ballanqaad  u samee ah  in aanad qofna wax  xumaan ah ku samayn.
·         Nolosha naftaadu waa Qalbiga ee wax walba la wadaag,  sheekooyinkaagu waxay taabanayaan oo ay dawaynayaan dareenka dadka kale oo dhan.
·         Waqtiyada qaar waxyaabaha aad  u baahan tahay inaad samyneyso waxaad jeceshahay inaad aragto wax ka duwan.
·         Qiimaha , Sharaxaadda iyo Quruxda wada sheekeysigu  waa in la is dhegeysto.
·         Farxaddu kuma xirna waxaad haysato iyo waxaad tahay midna,  ee waxay ku xiran tahay waxaad ku fekerayso.
·         Qosol wanaagsan iyo Hurdo dheer waa labo shey oo dawo ah oo in la isla helaahi adag tahay.
·         Eygu waa Makhluukha kaliya ee dunida guudkeeda saaran oo ku jecel ka badan inta uu naftiisa Jecel yahay.
·         Caruurtaada haka tegin adiga oo aan Shumin oo aan Qoora Qooraysan.(HAG)
·         Hooyadda Qalbigeeda mar walba waxa uu la jiraa Caruurteeda.
·         Aabahey waa shaqo  yaqaan, micna malahan sida uu u fiican yahay iyo sida uu u xun yahay, si kastaba waa Aabaha ugu wanaagsan ee dunida jira.
·         Saaxiibka dhabta ahi waa kan fahma waxa aynaan doonayn in aan niraahno, laakiin waa kan ogaada xaqiiqdii waxa aan dareemeyno.
·         Ha joojin weligaa inaad wax yar xitaa dadka u samayso, Waqtiyada qaar waxyaabahaas yar-yari waxay buuxin doonaan qayb ka mid ah dadka Quluubtooda.
·         Waxaan jeclahay Qoora Qooreysiga, (HAG) marka aan jirkeyga caro ka dareemo, waxaan hubaa in aan fayoobaanayo.
·         Ma ogaa kartid waxa ka dhacaya dhinacaaga marka laga reebo dhinacyo badan..
Waxaa Turjumey Cabdinaasir  Xersi Iidle.
Mail. Naasirx1@gmail.com.
Tel. 00252-615503978
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!