Q8aad: Ereyo iyo Oraahyo Jaceyl xanbaarsan.
Posted by: Himilo
in Dhanbaallada
May 18, 2020
3,372 Views
- Niyadsamida jaceylkana waligaa ha naafeyn.
- Naruuradii kalgacalkiyo halka aad nacab wareentay nabarro ayaa ku yaal.
- Xuural-ceyntii dunidee daawashada u timidayee, Daa’uus la mood.
- In kastoo aad nuugtana, kuma naaxdid dherigii nabsi uu dul yaal.
- Ammaantaada inan yahay in yar baan ka sheegay. Maxaan kuugu asteeyaa Allaa kuu dhameeyee?
- Dhabtii miyaan dhaqaaqaa, miyaan dhuuni quutaa, dhadhanshaa anfacada, sida labada dhaban iyo dhafoorada aan u heystaa waagu igu dhalaalaa.
- Diirrimaadka laabtiyo dawadii naftaydaay taan hablaha ka doorteen dareenkaygi siiyaay. Xubno dabacsan ayaad leedahay.
- Xariirtii Jannada iyo sida xuural-ceyn baad nafta xiisa gelisaa.
- Waxaa ku diratay hooyadaa; dadnimada kugu beertoo, aabahaana waa dirac ragna doorki weeyaan. Durriyad xalaal ayaad ka dhalatay.
- Alle hadduu ka dhigo, waxaan dhowrayaa adigoo ii dhaxoo, ubad ii dhaloo, dhimirku ii xasilo.
- Durdur iyo xareedeey, doog iyo ugbaadeey, dalaalnimada cadarkiyo udugiyo daruureey.
- Xeerkiisa mudan baa sharaf lagu xurmeeyaa aan xaq dhowrno caashaqa.
- Anigana adaan noolaha carriga jira kaa caleemo saartay.
- Ma og tahay indhaha iyo uurkuba daraadaa inay kuu ilmeeyaan kalgaceyl la ooyaan?!
- Ma og tahay asaagaa iyo inaan eynigaadaba aawadaa u diidoo kaa eegto dunidaba?
- Waxaa ii bishaaraa ama ii barwaaqaa, Bilan aragtidaada.
Related
2020-05-18
You must log in to post a comment.