- Sharad baan dhiganayaa haddii sharaf mid kula mida lagu sheego dunida.
- Mahiigaan da’aayiyo dirir hooray baa tahay. Dawadii jaceylkiyo dooqaygi baa tahay.
- Maxaan kaaga baaqdaa ama aan kaaga baaqdaa sow layma kaa badin.
- Marka aad i deeqdee quruxdaada daawaday, qalbigaa i dararoo indhahaa kugu diirsada.
- Runtu waxay tahay Ruuneey la’aantaa ribix maleh adduunyadu.
- Hablo kula siman baa jira oon sidaa u eegine, waa su’aale kaligaa maxaan kaaga sahansaday?
- Inan yahay bidhaan iyo dumar baaxad iyo xoog bilic baad u sidataa. Baalkaada iga qabo, bi’i waaye howlaha waa layska baantaa.
- In kasta oo dhibkiisii u badneyd dhankayga, adba waad dhadhamisoo, dharaarahan ma moogid.
- Raaxadii adduunkaay, dhaayaha u rooneey, rafaadkii aan soo maray, midda aan ugaga reystay waa adiga.
- Dheehaada iyo qurux iyo dhammeys Rabbi ayaa kuu dhalshoo, sida ubax dhashaa ishu kaa dhargeynin.
- Danbar iyo labeen iyo dahab midabkiisa ayaad leedahay.
- Waqti dheer ayaan kaa dhursugayee, dhaxantu i dishee, way iga dhan tahaye, dhinacaada qabo.
- Ubaxii jaceylka adigaa iga istaahila, amaan iyo bogaadin hoo iga hoo.
- Ubax baxay ugbaad u eg, indhahaad u roon tahay iimaanka deeqdaye.
- Haddii aadan ii nixin, naxariisna ii galin, nolosha iyo adduunyada marna kuma nagaadeene, niyadaada taas geli.
- Waxaa tahay naxariis dumar.

Color Light Sign
You must log in to post a comment.