Q10aad: Ereyo iyo Oraahyo Jaceyl xanbaarsan.

  • Waad ii ahaatoo iimaanka deeqdaye, naftu ku oggolaataye, ifka noloshu waa adiga.
  • Ubaxyahow bidhaamee, oogada ka nuuray, indhahayga naxariis adigaa ku beeray.
  • Indheergarad ku jecelo kuu ooman baan ahay.
  • Allihii ku uumaa qurux kugu manneystay.
  • Mar haddii jaceylkeennu ku korayo qalbiyadeenna gudahooda, quruxduna way soo koraysaa. Illeen jaceylka ayaaba ah quruxda ruuxdeenna.
  • Nolosha waxaan ka dhex  jeclaaday adiga. Haa adiga.
  • Waxa ugu muhiimsan ayaa ah waxa ugu adag oo aynu dhihi lahayn.
  • Adiga ayaan ku jeclahay. Adiga ruuxaada.
  • Wax cabsi ah kuma sugna jaceylka.
  • Waxaad u suuban tahay in lagu jeclaado. Dhabtiina waan ku jeclahay.
  • Noloshayda oo dhan ayaa kuu hilowda had iyo jeer.
  • Qoortaada dheeree, lagu qoray canbaaryada marka aad xagayga usoo qalloocisaba ma liqdaa i qabata?!
  • Nabi Yuusuf quruxdii Qaadirkeennu siiyaa adna qeyb ka wadataa oo aad qeyrkaa ku dhaaftay.
  • Muuqa iyo dadnimada qurux waad ka sidataa, qiimaha dadnimadana midda qaadataa tahay.
  • Il iyo cawro la’aw.
  • Inanyahay asaagaa boqol eynigaa ah adigaan kaa ishaartoo uurkaygaa ku taba.
  • Dhaayahaygu dhugashadaada aad bay ugu farxaan.
  • Ku amaani maayee, qurux waad ka sidataa.
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!