crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Q9aad: Ereyo iyo Oraahyo Jaceyl xanbaarsan! | HimiloNetwork

Q9aad: Ereyo iyo Oraahyo Jaceyl xanbaarsan!

  • Waro ila biyood lahoo, geeduhu anwaaciyo miro aada bixiyeen aragoodii lihidaa.
  • Deymada xishoodkaa markaad luqunta dadabtaa kolba laygu didayaa oo layga darayaa.
  • Amal barashadaadii jaceyl bay abaaray. Adna kugu ekaayoo eebadu ku gaartaye, ababsiinta caashaqa awoodeeda lihinaa.
  • Daruuraha aslaayee, ashkir dahab la moodiyo, sagalladaa abuurmaya aragoodii lihidaa.
  • Dumar ugu fil rooneey, dayax shan iyo tobnaad, dahab lagu mitaalaay. Da’deeda 17 jir guga loogu daraayee, indha-deeraaleey.
  • Kuwo loogu dow galay labada is-doortee, kala dila dadka is jecel, yaanay isku kaaya dirin, dunida nabad ku noolow.
  • Haku daalin jeedaal. Indha sooma jeedsaan, qalbi kaa janjeera.
  • Dhinacyada wadnaha iyo dhabtuu kalgacalkuna meel dheer buu iiga yaal.
  • Dhudi dhex yar dhabanno hoobaan, adigaa dheg iyo qurux Rabbi kuu dhameeyo, inta aad dumarka dheer tahay dhulka aad ku dhalatiyo dhaqan hooyo weeyaan.
  • Cimrigay intaan jiray carro edeg intaan maray caashaqaadu ima deyn oo kama calool go’in.
  • Haddii aad jamato cadawgaa iyo ruux ku jiir neceb, harka kuuma jiidaan.
  • Sida aad dhallaan tahay oo aan ku dhalay dadka kaa dhaweystay.
  • Sidii baan dhexdiyo dhabta ugu sidaa jaceylku ii dhibaa. Inuu dheeliyoo dhulka uu ku dhaco uga dhowrayaa.
  • Dantu wadajir iyo dhan haddii aan ka nahay, ha iga dhiman innaga oon isku soo dhawaan.
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!