MUQDISHO (HN) — Ciidda waxaa la filayaa inay dhalato 24 bishan, marka loo eego Guddiga Cilmi-baarista iyo Fatwooyinka ee Culimada Yurub.
Iyaga oo adeegsanaya tirsiga wareegga Dayaxa, waxay isku raaceen in maalinta Axadda ah oo taariikhdu ku beegan tahay 24-ka bisha ay tahay Maalinta Koowaad ee Ciidda.
Geesta kalana, waxaa dhawaaq lamid ah midkaas uu kasoo yeeray Guddiga Muslimiinta Latin America oo ku dhawaaqay in 24 bisha ay ku beegan tahay Maalin ciideed.
Guddiyadan ayaa Muslimiinta ugu baaqay inay farxadda iyo damaashaadka Ciidda ay ku qaataan guryahooda.
Waxayna balan-qaadeen in Khudbadaha Ciida loogu tala-galay inay ku qaban doonaan hab toos ah oo qadka internet-ka ah.
“Dadku waxay awoodi karaan inay guryahooda ku tukadaan laba labo rakco oo Salaad Sunno ah – iyaga oo niyeysanaya salaadda Ciidda,” ayay ku yiraahdeen war-murtiyeedkooda.
You must log in to post a comment.