crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Q6aad: Ereyo iyo Oraahyo Jaceyl xanbaarsan. | HimiloNetwork

Q6aad: Ereyo iyo Oraahyo Jaceyl xanbaarsan.

  • Dhib malahan sida fog oo aad iiga dheeraato, waxaad aalaaba ku negaan doontaa qalbigayga.
  • Nolosheenna aayaha, Allow nabad ku waarnaa.
  • Waxaa tahay diirrimaadka laabtayda.
  • Waligaa ha is doorinin. sidaan ayaan kuugu jeclahay.
  • Uma baahni qof sare. Kaliya inaad dhinacayga ahaato ayaa ah waxa iigu qaalisan nolosha.
  • Raaxadii adduunkaay, reer aan yagleelnee, labadii isku raysiyo isku ruux ma noqonaa?!
  • Waxaa tahay naq iyo doog, neecaw udgoon leh.
  • Durdurada biyaha iyo dhir doog leh baa tahay.
  • Nusu-saac kaliya haddii aan ku waayo, nabar jaceyl baa Naruurooy  i dhaawaca.
  • Inan yahay ilwaad qurux iyo dumar amaantiis, waxaa tahay Ilaahay idil midduu ku koobay.
  • Iin malihid eed malihid sidaan anigu arko.
  • Waxaan sidaa jaceyl aan kula sugaayee, kugu simayee iga hoo.
  • Waxaa tahay bogeygiyo beerkiyo wadnaha oon nacab uga baqaayo.
  • Sida roob gu’yoo da’ay, ramaaskiina bixiyaad nafta raalli-gelisaa.
  • Sida hanad aan dhalay baan himiladaada wacan iyo horumarkaada jecelahay.
  • Sida mayayga roobkoo hadba maayad keenaad ii muuqataa.
  • Daruuraha hillaaciyo dayax nuurayaa tahay.
  • Deymada u rooneey taan doortay baa tahay.
  • Safaad maleh jaceylkuye, waan sidaaye ila qabo.
  • Kuma deyn karaayoo dadkaan kuugu jecelahay.
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!