crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Q5aad: Ereyo iyo Oraahyo Jaceyl xanbaarsan. | HimiloNetwork

Q5aad: Ereyo iyo Oraahyo Jaceyl xanbaarsan.

  • Waxaa tahay qofka noloshayda ku habboon.
  • Waxay dhaheen jaceylku dhaawac ayuu sitaa. Laakiin diyaar ayaan u ahay inaan halistiisa u bareero. marba haddii aan adiga kuugu danbeyn doono.
  • Go’aankii ugu habboonaa oo aan gaaro waa inaan adiga ku doortay. Haa adiga oo kaliya.
  • In igu filan kama dhihin jaceylkaada. Waxaan doonayaa inaad ila ogaato inaan ku jeclahay.
  • Waxaan ahay qofka adduunku ugu nasiibka badan marba haddii aan adiga ku hantiyay.
  • Goor walba oo aan xusuustaada ku noqdo, waan ku raaxaystaa aniga oo dhoolla-caddeynaya.
  • Waxay ahayd riyo midda ugu quruxda badan markii aan adiga ku helay. Kadibna waxaan kacay anigoo qoslaya. Waayo waxaan garwaaqsaday inaysan riyo ahayn.
  • Waad ku mahadsan tahay farxadda iyo firfircoonida aad naftayda kusoo kordhisay.
  • Ma ihi halyay halaq dila ah. Laakiin wax walba ayaan kuu sameyn karaa si aan adiga kuu ilaaliyo.
  • Waxaad ifisay noloshayda.
  • Xaalad kasta oo aan kula joogo, waa xilliga iigu fiican oo aan qof la qaato.
  • Waxaad ku sugan tahay maankayga mar walba.
  • Way iga yaabisay in si walboon ku suganahay aad adigu wali i jeceshahay.
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!