crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> April | 2018 | HimiloNetwork

Monthly Archives: April 2018

Berbera oo laga furay Maktabadii ugu horraysay oo ay yeelato muddo dheer.

Berbera (Himilonetwork) – Magaalada Berbera ayaa waxa saaka lagu qabtay xaflad weyn oo si rasmi ah loogu furay maktabadii ugu horeysay ee ay yeelato magaaladan dekedda ah ee istiraatiijiga ahi. Weriyaha BBC-da Axmed Saciid Cige oo shaqo u jooga magaalada Berbera kana qayb galay xadhig ka jaridda maktabadan akhriska ee Berbera, ayaa ku soo waramaya in makatadda uu ku arkay ...

Read More »

Waa Waaya’aragnimo Xanuun badan Noqoshada Qaxooti!

Delhi (Himilonetwork) – Taniyo markii Myanmar uga soo qaxday Xerada Cox Bazar ee dalka Bangladesh ugu danbeyntiina ay timid New Delhi, Tasleema oo kamid ah bulshada caddiban ee Rohingya, waxay ogaatay inaysan wali helin meel ay ku sal-dhigato. Tasleema ma xusuusan karto goortii ugu danbeysay oo ay ku lado goob ay ku tilmaami karto gurisamo. Dab kaliya ka kacay xerada ...

Read More »

Ogow 25-ka Dal oo leh aqlabiyad Muslimiin ah.

Washington (Himilonetwork) – Muslimiintu waxay ku jiraan booska labaad ee qoyska ugu ballaaran dunida kaddib diinta Masiixiga. Waxaa lagu sheegaa inay dhan yihiin 1.8 bilyan. Islaamku sidoo kale waa diinta ugu faafista badan adduunka, sida lagu sheegay cilmi-baarista ay sameysay Pew Research Center. Iyada oo soo xiganaysa Buugga Xaqiiqooyinka ee CIA-da, Fogaan-aragga CBN News ayaa soo tixay dalalka ugu badan ...

Read More »

6 jir iyo 75 jir oo Qur’anka oo dhan dusha ka xifdiyay.

Delhi (Himilonetwork) – 75-jir Muslimad Hindiya u dhalatay ayaa noqotay haweeneydii ugu da’da weyneyd bulshada ay ku dhex nooshahay ee dusha ka qeybta Qur’anka oo dhan kaddib 7 sano oo ay baranaysay – halka 6 jir iyadna ku nool magaalada Bengaluru ay guushaas oo kale gaartay. “Xalka dhibaatada dunida taalla oo dhan waxaa laga helayaa Qur’anka,” ayay 75-jirta lagu magacaabo Radiya Vaziri, u ...

Read More »

Muslimad ‘salaan ay diiday awgeed’ loogu diiday dhalashada Faransiiska.

Paris (Himilonetwork) – Haweeney u dhalatay dalka al-Jeeriya oo diiday inay gacan-qaado ‘salaanto’ saraakiisha laanta jinsiyadaha xilli ay socotay waraysigeeda muwaadinnimada lagu siinayo ayaa loo diiday inay hesho dhalashada dalka Faransiiska, sida ay xukuntay maxkamadda ugu sarreysa dalkaas. Dowladda ayaa sheegtay in ficilka haweeneydan uu muujinayo inaysan ku milmi karin dhaqanka Faransiisku adeegsado ee ‘assimilation’. Haweeneydan ayaase ku dooday inay ...

Read More »

Soomaali noqday qofkii ugu da’da yaraa oo qaata Shahaadada PhD-ga Jaamacad ku taalla Philippines

Filibiin (Himilonetwork) – Jaamacad ku taala dalka Philippines ayaa wiil Soomaali ah u aqoonsatay in uu noqday qofkii ugu da’da yaraa oo ebed qaata shahaadada PhD-ga oo ah tan ugu saraysa, waxayna guddoonsiisay shahaado sharaf. Wiilkan oo lagu magacaabo Mursal Suldaan Cabdullaahi Saalax ayaa ka qalin jabiyay jaamacada Luzon ee magaalada Dagupan ee dalka Philippines, halkaas oo uu ka qaatay ...

Read More »

Maxay ka dhigan tahay Muslim-ku-noqoshada dalka Cuba?

Cuba (Himilonetwork) – Dalka Shuuciyadda muddada dheer kusoo dhaqmayay ee Cuba, wuxuu ku yaalla bartamaha qaaradda Latin America. Waxaana u badan Masiixiyiin. Hayeeshe, waxaa jira tiro yar oo Muslimiin ah oo halkaas Ilaahay ku caabuda. Haddaba maxay ka dhigan tahay Muslim ku noqoshada dalkan yar ee Cuba? Halkan ka daawo muuqaal ay BBC-du ka diyaarisay.

Read More »

Nuxurka Shirkii Dhalinyarada Qaran ee sannadkii hore lagu qabtay Muqdisho.

Muqdisho (Himilonetwork) – Shirka dhallinyarada qaranka oo Muqdisho ka dhacay muddo todobaad ah, waxaa soo qaban qaabisay wasaaradda dhallinyarada iyo ciyaaraha. Waxaa ka soo qeybgalay ku dhawaad 300 oo ah dhallinyaro ka kala yimid gobalada dalka oo dhan, waxaa qeyb ka ahaa qurba-joog aan sidaasi u sii badneyn, si ka duwan shirkii sanadkii 2015-kii oo ay u badnaayeen qurba-joog. Shirkan ...

Read More »

Muslim diiday inuu Timaha u jaro Gabar yar oo Dacwad laga gudbinayo.

Sydney (Himilonetwork) – Tima-jare ku nool dalka Australia ayaa aad uga niyad xun kaddib markii ay dacwad ka gudbisay haweeney sheegtay inuu bahdilay gabadhiisa maadaama uu ka diiday inuu timaha u jaro. Sam Rahim, oo ah aabe laba carruur ahi u joogaan, wuxuu xarun timaha lagu qurxiyo ku leeyahay xaafadda Hunters Hill ee magaalada Sydney. Rahim oo muddo badan madaxa usoo ...

Read More »

Ilmihii dhashay 4 sano kaddib dhimashada Waalidkiisa.

Beijing (Himilonetwork) – Wiil ayaa dhashay afar sano kaddib geerida labadiisa waalid. Shen Jie iyo Liu Xi ayaa is qabay muddo laba sannadood ah, waxay dooni jireen inay carruur isku dhalaan. Markii ay awoodi waayeen inay galmada tooska ah iskugu qaadaan uur, waxay iskula weecdeen hannaanka beerista ugxamaha ee bacriminta dadban oo loo yaqaan IVF –  In Vitro Fertilization. Shan ...

Read More »
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!