crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> March | 2016 | HimiloNetwork

Monthly Archives: March 2016

Sahan: Sidee laga filan karaa biyaha wabiyadeenna 25 kadib?

Muqdisho, Soomaaliya (HIMILONEWS) – Sawirro muujinaya webiga Shabeelle ee dhex mara degmada Afgooye oo qalleyl noqday oo aysan hal dhibic oo biyo ah ku jirin ayaa toddobaadyadan lasoo dhigay baraha kulanka bulshada sida facebook.   Sawirada waxaa la socday warbxinno tilmaamaya in qof kasta oo Soomaaliyeed uu ogsoonaado in webigu uusan iska qalalin balse ay jirto sabab/jiho ka dambeysa. Waxay tilmaameen ...

Read More »

Qare ama Xabxab: cunto xilli mudan kusoo go’da iyo saaxiibka jiilaalka

Muqdisho, Somalia (HIMILONEWS) – Nimcada sida gaarka ah Ilaahay ugu manneystay dhulka Soomaalida lalama mid dhigi karo midda dhalin badan oo Soomaaliyeed u hanqal-taagaan ee Yurub lagu sheegay. Yurub oo sheegata inay dunida saddexaad kaalmo gaarsiiso, waxay wax beerataa hal xilli oo kaliya. Soomaaliya oo iyadna kamid ah dunida Afrika oo sanadka oo dhan wax beeran kartana waxay gacmaha u hoorsataa ...

Read More »

Layaab: 69-jir guursaday xaaskiisii 57aad oo ah gabar 18-jirad ah

Nigeria, Africa (Himilonews) – Nin da’ ah oo ku nool dalka Nigeria ayaa layaab sunniyaha la taagay kadib ku dhawaaqista inuu guursanayo xaaskiisii 57-aad oo ah gabar 18-jir ah. Chief Simon Odo, oo 69-jir ah kana shaqeysta dawo dhireedka ayaa guursaday 18-jiradda lagu magacaabo Chidinma. Odo oo Enugu kasoo jeeda ayaa shaaca ka qaaday inaysan u qorsheysneyn inuu mid kale guursado ...

Read More »

Cajiib: Hooyo qalliin ku kacaya 50,000$ ku bixinaysa si ay gabadheeda ugu ekaato–waayo way ka maseyrtay

London, United Kingdom (Himilonews) – Haweeney ku nool dalka Ingiriiska ayaa u muuqata inay ka hinaastay muuqaalka gabadheeda–iyada oo dooneysa inay sideeda oo kale noqoto. 57-jiradda Janet Horrocks ee gobalka Burnley ee Ingiriiska ayaa ku jirta howl-gal aan kaliya aheyn inay da’yar u muuqato balse sidoo kale ah inay u ekaato gabadheeda oo kale. Iyada iyo gabadheeda ayaa isku eg–waxayna sheegeen ...

Read More »

Maxayna dhex-maray: Ma dagaal sokeeye mise daqar sokeeye?!

Muqdisho, Soomaaliya (Himilonews) – Ereyga dagaal—micno ahaan waa isula tegista ama is-fara-saarka laxaadka laba qofood iyo wixii ka badan. Marna waxaa lagu micneeyaa is-maan-dhaafka ku dhisan aragtidada laba qofood, ama laba urur iyo wixii ka badan. Dagaalku wuxuu dhex-maraa wax walba oo nool oo lab iyo dhedigba leh. Hayeeshe, waxaa kala duwan sifada jaadnimo ee dagaalladaas. Kala maan noqoshada iyo isku ...

Read More »

Runta madow ee ka danbeysa Mashruuca La Dagaallanka Burcad-badeedda

Muqdisho, Soomaaliya (Himilonews) – Markii ay dhacday dowladdii dhexe ee Kacaankii Siyaad Barre sanadkii 1991, cududdii xoogga dalka ee dalka iyo hantida umadda qeybo kala duwan ka difaaci jiray ayaa go’ay—waxaana dalku noqday mid beylahan oo cidla ciirsada. Ciidamadii badda ee Soomaaliya oo kahor intaanay burburin cadowga iyo damaaciga shisheeyaha ka yureyn jiray badaheenna ayaa kamid ah qeybihii xoogga dalka ...

Read More »

Muslimku ma xumaado: Tuug halkii laga xiri lahaa xoriyad maaliyadeed loogu deeqay!

Kuala Lampur, Malaysia (Himilonews) – Maareeyaasha suuq-weyn oo ku yaalla Malaysia ayaa lagu bogaadiyay kadib shaqo ugu deeqista tuug kaas o aan heysanin lacag uu cunto ugu iibiyo qoyskiisa. Dhacdada ayaa kasoo shaac-baxday suuqa-weynaha Tesco ee ku yaalla Bukit Mertajam  maalintii Arbacada—kadib markii aabaha leh saddex carruur ah lagu qabtay tuugnimo. Halkii laga filayey in booliska lagu war-geliyo fal-danbiyeedkiisa, maareeyaasha ...

Read More »

Aabo soo kireystay nin iska dhiga wiilkiisa oo dhintay si uu hooyadiis uga ilaaliyo inay ogaato dhimashadiisa

Beijing, China (Himilonews) – Aabe ayaa u kireystay nin si uu iskaga dhigo wiilkiisa oo dhintay si hooyadiis oo da’ ah aanay u ogaanin geeridiisa. Huang Ge ayaa u dhintay cuuryaanimo hayeeshe aabihii Huang Xiaodong madooneyn inuu ogeysiiyo hooyadiis geerida wiilkiisa—isaga oo ka baqaya inay walbahaarto. Maadaama araga iyo maqalka hooyadiis aysan fiicneyn, Xiaodong wuxuu soo kireystay nin iska dhiga wiilkiisa ...

Read More »

Q1aad: Sahmiyihii ugu waynaa China waxa uu ahaa Muslim–waxaana uu ahaa Shengi Hii ( Zheng He)

Muqdisho, Soomaaliya (Himilonews) – Marka aan maqalno sahamiyaashii aduunka waxa inta badan dhagaheena ku soo dhacaa sahimiyaashi waawaynaa ee wax badan ka ogaaday qaabka juquraafiyeed ee aduunkan manta aan kunoolnahay Sida Ibnu khaldoum, Ibnu Batuta, Marco polo, evliya celebi iyo Christopher Columbus Iw. Lkn mid kamida sahimiyayaasha aduunka soo maray, ugu saamynta badnaa waxa uu ahaa sahimiyihii muslimka ahaa ee ...

Read More »

Sahan cilmiyeed: Maxaa keena Yaraanshaha Biyaha Labbada Webi ee Jubba iyo Shabelle?!

Muqdisho, Soomaaliya (Himilonews) – Biyo yarida Joogtada ah ee qaybo badan oo kamida dhulka Soomaaliya waxay noqotay dhibaato aan dhamaad lahayn. Dalku wuxuu ku yaalaa dhul oomane ah oo ay biyo la aan baahsani ka jirto, dadka ku noolna ay aad u kala firirsanyihiin. Baahida biyaha ee bulshada ku nool Soomaaliya waxay had iyo jeer ku daboolaan biyo ay ka soo ...

Read More »
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!