Cajiib: Hooyo qalliin ku kacaya 50,000$ ku bixinaysa si ay gabadheeda ugu ekaato–waayo way ka maseyrtay

London, United Kingdom (Himilonews) – Haweeney ku nool dalka Ingiriiska ayaa u muuqata inay ka hinaastay muuqaalka gabadheeda–iyada oo dooneysa inay sideeda oo kale noqoto.
57-jiradda Janet Horrocks ee gobalka Burnley ee Ingiriiska ayaa ku jirta howl-gal aan kaliya aheyn inay da’yar u muuqato balse sidoo kale ah inay u ekaato gabadheeda oo kale.
Iyada iyo gabadheeda ayaa isku eg–waxayna sheegeen in aalaaba la isku qaldo inay walaalo yihiin.
35-jiradda Jane Cunliffe ayaa sheegtay inay neceb tahay xaqiiqda ah in hooyadeed ay dooneyso inay u ekaato iyada. “Hayeeshe, hooyaday dareenkayga tix-gelin masiineyso,” ayay ku tawaawacday.
Si kastaba, Jane Cunliffe waxay sheegtay in hooyadeed ay mayal-adag tahay oo ay dooneyso inay qalliin u gasho sidii ay iyada ugu ekaan laheyd.
Ilaa hadda, Harrocks ayaa ku bixisay lacag dhan 56,000$ is-qurxinteeda: iyada oo dhamaan xubnaha il-qabadka leh dooneysa inay quruxsato.
Waxay sidoo kale si ay ugu ekaato gabadheeda isku qaabeysay muuqaalka ay gabadheedu leedahay.
In-kasta oo Cunliffe aysan la dhacsaneyn doorashada hooyadeed, hadana way oggolaatay aragtideeda waayo waxay ogsooneyd inaysan hooyadeed ka laabaneyn go’aankeeda.
Labaduba hadda waxay u labistaan isku si’ markay magaalada u wada baxayaan.
Isha: Himilonews.com
Nagala soo xiriir: Himilonews@gmail.com
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!