Maxayna dhex-maray: Ma dagaal sokeeye mise daqar sokeeye?!
Posted by: Zakariya
in Wararka
March 24, 2016
1,706 Views
Muqdisho, Soomaaliya (Himilonews) – Ereyga dagaal—micno ahaan waa isula tegista ama is-fara-saarka laxaadka laba qofood iyo wixii ka badan. Marna waxaa lagu micneeyaa is-maan-dhaafka ku dhisan aragtidada laba qofood, ama laba urur iyo wixii ka badan.
Dagaalku wuxuu dhex-maraa wax walba oo nool oo lab iyo dhedigba leh. Hayeeshe, waxaa kala duwan sifada jaadnimo ee dagaalladaas.
Kala maan noqoshada iyo isku mari waaga arrin dhextaal ah oo ka dhalan karta qoonsimaad, dulmi ama gardarro iyo wixii lamid ah ayaa sal u ah dagaalka. Waana xalka ugu danbeeyaa ee dadku isula dhacaan.
Bilowgii caga-dhigashada ee Ina Aadam ilmihiisa ayaa dib loogu celiyaa qoonsimaadkii ugu horreeyey ee sababa dagaal dhex mara laba qofood oo kala ahaa labadii wiil ee Aadam –Haabiil iyo Qaabiil.
Waagii hore dagaalku wuxuu hadba ku jaantusnaa heerka ilbaxnimo ee umadaha dagaallamaya. Hakaas oo hadimada ka dhalata ay aad u yaraan jirtay—iyada oo laga eegayo tayada hubka ee lagu dirirayo.
Qarniyadii dhexe, gaar ahaan xilligii Islaamku dunida Galbeedka gaar ahaan Biizantiiniyiinta kusii fidayey ayay aheyd markii ugu horreysay ee Muslimiintu noqdaan dadkii ugu horreeyey ee adeegsada hubka waaweyn sida madaafiicda goobta.
Maanta, iyada oo loo eegayo heerka tiknoolojiyaddu ku taagan yahay, dagaalka dhex-mara laba qof iyo wixii ka badan waxay natiijadiisu ku ebyantaa dhimasho ama dhaawac.
Sidaas darteed, mayara inta u dhimata dagaallada dhaca. Waana sababaha ugu weyn ee jiritaanka Insaanka halisku ah. halistaasu waa inay dhacdo in ummad dhan si fudud mar-qura la dabargooyo.
Tusaale ahaan dagaalladii reer Galbeedku ku sheegeen kuwii ugu waaweynaa ee dunida ka dhaca, waxaa ku dhintay dad ka badan 70-malyuun oo qof oo rayidku tira ahaan la siman yahay tirada dhimasho ee askarta.
In dagaal dhaco, ma ahan wax la jecleysto. Mana ahan wax cidi caano ku cabto. Sidaas awgeed, cidna inay dagaal faraha la gasho—iyada oo heli karta nabad, ma doorbido.
Hadana, dadku ka suuli maayaan inay is-khilaafayaan. hayeeshe, waa laga baaqsan karaa in la is dagaalo.
Muxuuse ka dhignaan karaa markuu dagaalku dhex-maro laba qof iyo laba cid oo isku hilib ah sida kii dhacay kadib dhicistii Siyaad Barre? Maxaa lagu sifeyn karaa dagaalkaas? Malala mid dhigi karaa kuwii dhex-maray dadyowga kale ee caqiido ahaan iyo dhalasho ahaanba aan kala duwannahay?
Dirirta ka hoos dhalata xigto hal meel wada taalla ayaa lagu sifeeyaa dagaal sokeeye. Sokeeyanimo waa dhawaanshiyaha qof ama dadi kaaga dhow yihiin dad kale. Ugu badnaan sokeeyadu waxay ku wada dhaqmaan kob qura—in kasta oo laga yaabo inay kala dagaan laba arlo oo kala fog. Hayeeshe, marna malunto xigtanimadooda ama galgacalka ay iskaga soo dhaweynstaan umadaha kale.
Soomaalidu waa bulshada kooban ee dunida ka taagan tusaalaha ummad dhan kasta ka wada siman: Dhaqan, dhiig iyo dhul, haddaysanba aheyn ummadda kaliya ee dunida ka joogtaa heerkaas.
I.M Lius oo kamid ah qorayaasha shisheeye ee wax ka qoray sooyaalka Soomaalida ayaa ku sheegay buuggiisa in Soomaalidu tahay ummad sinji adag oo aan dib isula rogan karin dhaqamada kusoo biira.
Marka loo eego tusmadiisana, waa dhab in Soomaalidu aanay si fudud ula rogan karin dhaqamada kusoo kordha. Waana sababta taniyo bilashada Islaamku ay Muslimnimada ugu dhagaan—oo ay ka dhiidhiyeen isticmaarkii Ingiriis ee mar damacsanaa inuu masiixiyadda ku faafiyo dhulka Soomaalida.
Luis ayaa sidoo kale ayaa kale xusaya hida-dhaqan aan gaamureyn oo Soomaalidu ku sifeysantay oo ah saddex arrimood oo aan laga xigsan karin dhankooda. Tan koobaad waa diinta, midda labaadna waa Geela: tan saddexaadna waa ina adeerka. Markay saddexduba is-qabtaan, sida uu yiri waxa ugu horreeya ee ay tuuraan waa diinta iyo Geela. Hayeeshe, ina adeerku, ninka Soomaaliyeed wuxuu ka xigaa geeri.
Si kastaba, dhicistii Siyaad Barre ayaa sababtay dagaallo dhex-mara gacalkii wada dhaqnaan jiray: halkaas oo iyada oo laga eegayo tusmada uu qoray qoraaga reer Galbeed dunida loo weriyay in Soomaaliya uu ka dhacay dagaal sokeeye.
Taasna cid kasta oo Soomaali ah waxaa qalbigiisa kula daaban astaanteeda. Hayeeshe, marka aynu dib u gocano dagaalladii dhex-maray dadkii kuwada noolaa dal qura—waxan soo heli karnaa wax ka qiro weyn meesha ay nala barbar-dhigeen iclaamka reer Galbeedka.
Tusaale ahaan, dagaalkii dhex-maray labada kuuriya waxaa la sheegaa inay ku le’deen shan malyuun oo qof wax ka yar shan sano gudahood oo ay kala xadoobeen qoysas wada dhashay—marna lama yiraahdo dagaalkii sokeeye ee waxaa lagu magacaabaa dagaalkii Kuuriyaanka. Hutu iyo Tutsiga ku nool Rwanda waxay iska dileen nus malyuun qofood wax ka badan. Dagaalkii sokeeye ee Ruushka ee dhacay 1917, waxaa la tilmaamaa in tiro aan yareyn ay ku le’atay. Midkii dhacay 1861-65 una dhaxeeyey Ameerika oo sanad kasta tiro ku dhow nus malyuun ay iska dileen ayaa la tilmaamaa inuu dunida marka lasoo hadal-qaado dagaal sokeeye kagala tusaalaha koobaad.
Si kale hadii loo dhigana, asbaabihii sababay dagaalladii koobaad iyo labaad waxaa ugu mug weynaa qoonsimaad sokeeye.
Hayeeshe, majirto tira sugan oo laga naxo oo ku go’day dagaalladii dhex-maray bulshadeenna.
Sidaas darteed, halkuu kayimid ereyga dagaal sokeeye? Mayahay erey ku habboon inay isku adeegsano—inagoo tusaalaha dagaalladan dhacay wax badan ka duwan sida diin nakala dhicisa, dhaqan qiro weyn oo xeerbeegtiya heshiiska iyo dhalasho ku dhisan dhiig iyo dhogor oo aan kaga duwannahay umadaha kale?
Maxaan ku badali karnaa erey-bixintan? Malaheli karaa erey u dhigma isku dhaceenna oo aan kus sifeyno wixii na akal gaaray? Sidee ayaa sokeeye iyo dagaal la iskugu keeni karaa—u eegis la’aan saxda ah inaynu mar is-fara saarnay?
Noogu reeb aragtidaada bogeenna facebook-ga.
Isha: Himilonews.com
Zakariya Hassan ‘Hiraal’
Nagala soo xiriir: Himilonews@gmail.com
Related
2016-03-24
You must log in to post a comment.