Layaab: 69-jir guursaday xaaskiisii 57aad oo ah gabar 18-jirad ah
Posted by: Zakariya
in La-yaabka
March 25, 2016
401 Views
Nigeria, Africa (Himilonews) – Nin da’ ah oo ku nool dalka Nigeria ayaa layaab sunniyaha la taagay kadib ku dhawaaqista inuu guursanayo xaaskiisii 57-aad oo ah gabar 18-jir ah.
Chief Simon Odo, oo 69-jir ah kana shaqeysta dawo dhireedka ayaa guursaday 18-jiradda lagu magacaabo Chidinma.
Odo oo Enugu kasoo jeeda ayaa shaaca ka qaaday inaysan u qorsheysneyn inuu mid kale guursado maadaama uu hadda qabo 57-xaasas ama afooyin ah oo ay ku filan yihiin. Wadar ahaan, Odo wuxuu guursaday 68 xaas hayeeshe waxaa kol hore ka geeriyooday 11 xaas.
Odo oo sidoo kale loo yaqaan Boqor Suleymaanka Afrika ayaa si miyir leh u tirsada dhamaan magacyada xaasaskiisa iyo carruurta ay u dhaleen oo gaaraya 200. Xittaa carruurtiisa waxay u diiwaan-gashan yihiin sida ay u kala danbeeyaan dhalasho ahaan.
Odo ayaa sheegay inuu go’aansaday inuu yeesho qoys ballaaran maadaama waalidkiisu ay kaligiis ilmo ka dhaleen. Markuu 15-jir ahaa, wuxuu guursaday xaaskiisii ugu horreysay wuxuuna bilaabay inuu barto dawo-dhaqameedka.
Afadiisa hadda uu guursaday ee ah midda ugu da’yar, Chidinma, ayaa shaacisay inaysan qorsheysan inay qoyskan ballaaran cunto u wada kariso. Balse xaasaskii iyada ka horreeyey ayaa soo maray go’aan ka duwan midkan ay qaadatay.
Odo ayaa ku dhiirri-gelinaya carruurtiisa inaysan ku dayan jidkiisa maadaama sida uu sheegayo ay adag tahay in la kala bar aqoonsado tiro intaas la’eg oo haween ah.
Isha: Himilonews.com
Nagala soo xiriir: Himilonews@gmail.com
Related
2016-03-25
You must log in to post a comment.