Qare ama Xabxab: cunto xilli mudan kusoo go’da iyo saaxiibka jiilaalka
Posted by: Zakariya
in Wararka
March 27, 2016
2,200 Views
Muqdisho, Somalia (HIMILONEWS) – Nimcada sida gaarka ah Ilaahay ugu manneystay dhulka Soomaalida lalama mid dhigi karo midda dhalin badan oo Soomaaliyeed u hanqal-taagaan ee Yurub lagu sheegay.
Yurub oo sheegata inay dunida saddexaad kaalmo gaarsiiso, waxay wax beerataa hal xilli oo kaliya. Soomaaliya oo iyadna kamid ah dunida Afrika oo sanadka oo dhan wax beeran kartana waxay gacmaha u hoorsataa deeq Yurub looga soo yabooho.
Ma ahan dhulka farqiga weyn ee inoo dhaxeeya ee waa hammiga ku kala jira laba dad ee ku kala nool Soomaaliya iyo Yurub.
Beerashada xilli kasta—waa in dalag ama qudaar kale ay xilli kusoo go’do. Taas oo ah in beeraleyda Soomaaliyeed ay heystaan waqti iyo waxa soo saar ka badnaan kara beeraleyda reer Yurub haddii loo tabaabushoodo.
Hadda oo lagu jiro xilli kaliil ah ama kuleyl ah, waxaa jira nuucyo badan oo dalag iyo qudaar ah oo soo go’ay kuwaas oo aad loo cuno sida Qaraha.
Meeshii aad marto, waxaa kuu muuqan kara tiro wadar Xabxab ama Qare ah oo la kala iibsanayo—oo si xowli ah usoo go’ay.
Mahadaas waxaa iska leh beeraleydeenna oo xilligan kulul inoo sahlay inaan wax soo saarkooda ku qabowsanno.
Dad badan xilligan la joogo, qaraha waxay uga dhigan tahay kaliya isku qaboojis. Balse warbixinnada caafimaad ee laga soo helay cunistiisa mayara.
Mar kasta oo qofku badso cunistiisa wa mar kasta oo xubnaha jirkiisu ay isku furmaan sida kilyaha oo sifeysma iyo wixii lamid ah.
Dal badi dhulkiisu ooma-soore yahay, cunista qaraha waa dalag xilli waqtiyeysan ugu soo beegmay.
Waxaa jira nuucyo laba ah oo qaraha dalkeennu u kala baxo: midka laga beerto waqooyiga iyo kan laga beero koofurta dalka.
Midka koofurta ayaa la tilmaama inuu biyo badan yahay oo uu xajmi ahaanna ka qiro weyn yahay midka waqooyiga–hayeeshe, waxaa hilib badan midka laga bartamaha iyo waqooyiga dalka.
Si kastaba, cunista qaraha ayaa caadin kusoo aadaa xilliga kaliisha. Waana doorka beeraleyda kuwa qeyb weyn ka qaata in dadku xilligan kulul kaga gudbaan cunista qaraha.
Isha: Himilonews.com
Nagala soo xiriir: Himilonews@gmail.com
Related
2016-03-27
You must log in to post a comment.