crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Sahan: Sidee laga filan karaa biyaha wabiyadeenna 25 kadib? | HimiloNetwork

Sahan: Sidee laga filan karaa biyaha wabiyadeenna 25 kadib?

Muqdisho, Soomaaliya (HIMILONEWS) – Sawirro muujinaya webiga Shabeelle ee dhex mara degmada Afgooye oo qalleyl noqday oo aysan hal dhibic oo biyo ah ku jirin ayaa toddobaadyadan lasoo dhigay baraha kulanka bulshada sida facebook.
wabigaaa wabiga
Sawirada waxaa la socday warbxinno tilmaamaya in qof kasta oo Soomaaliyeed uu ogsoonaado in webigu uusan iska qalalin balse ay jirto sabab/jiho ka dambeysa.
Waxay tilmaameen in diraasad goor dhaw laga sameeyey webiga Shabeelle ay caddeyneyso haddii xaaladda Soomaaliya aysan sida ay tahay hadda waxba iska beddelin in marka lagaaro 2040-ka (24 sano kadib) uu webiga Shabeelle uusan soo dhaafi doonin oo uu ku guri doono magaalada Buulo Burte ee gobolka Hiiraan.
wabigaaa wabigaq
Taas oo la micno ah in dhaqdhaqaaqa beerasho gaar ahaan waraabka uu ka joogsan doono labada Shabeelle oo ah labada gobol ee waddanka ugu wax soo saarka badan dhanka beeraha.
Hadda oo labadaas gobol wax uun soo saaraan, ayay tiri wrbixintu,ayaan  dunida gacmaha u hoorsannaa oo layna kaalmeelaaye, ka warana haddii ay labadaas gobolna howlgab noqdaan… Mustaqbal yaab badan!!!
Hadaba, maxaa sababi kara biya-yarida webiyada dalka gaara haan midka Shabelle ee haatan guray.
Nala wadaag aragtidada ku aadan warbixintan adigoo kusoo diraya himilonews@gmail.com
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!