crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Sedexda daqiiqo ee nolosha Aadanaha ugu halista badan maalinkii–Qalinkii C/laahi Jafan-jeef | HimiloNetwork

Sedexda daqiiqo ee nolosha Aadanaha ugu halista badan maalinkii–Qalinkii C/laahi Jafan-jeef

Muqdisho, Soomaaliya (HIMILONEWS) – Dad ku taqasusay arimaha caafimaadka bini aadimka ayaa dhawaan soo saaray warbixin dheer oo ay uga faaloonayaan mowduuc aad u muhiim ah, kaasoo ay ugu magac dareen ( Sedexda daqiiqo ee nolosha bini aadimka ugu halista badan)
Qubaradaan ayaa sheegay in 24-ka saac ee maalin walbaa ay ka kooban tahay in ay jirto 3 daqiiqo oo ka mid ah taasoo saameyn weyn ku yeelata maalintaas oo idil.
Sedexdaas daqiiqo ayaana lagu sheegay marka aad ka tooseyso hurdada oo ah inta badan aroorta subaxda hore.
Sababtu Maxey Tahay?
Qubaradaan ayaa sheegeysa hadii aad si deggan oo buuq la,aan ah uga toostid hurdada in ay taasi ka dhigan tahay maskaxdaada oo degta maalintaas oo dhan, iyo adigoo u ekaada in aad hurdada ka dheregtay xitaa hadii aadan saacado kugu filan hurdin, sidoo kale waxaa qaab wanaagsan u shaqeeya dhigaada iyo wadnahaada dhaq dhaqaaqooda,adigoo maalintaas oo idil si wanaaagsan kusoo qaata una soo xiisa in aad habeenka danbe sidii oo kale u seexatid.
Balse hadii aad hurdada uga toosto si haleel ah ama si deg deg ah, taas ayey qubaradani ku sheegeen in ay keeni karto wadnahaada oo si xowli ah u shaqeeya iyo sidoo kale dhiigaada oo isna si xowli ah u shaqeeya, taasoo ugu danbeyn dhalisa bey yiraahdeen wadna xanuun joogta ah iyo dhiig kar kugu soo deg dega, ayadoo sidoo kale aad maalintaas oo idil ku dhameysato madax xanuun iyo caajis joogta ah, maadaama aad dareemeyso in aadan hurdada kadhergin xitaa hadii aad huruday saaacado aad u badan.
Waxa aadna dareemeysa in aadan hurda wacan helin oo aadan ka dhergin hurdada.
Sidoo kale qubaradaan ayaa ka digay in la adeegsado aaladaha loo yaqaan Toosiyaha ( Alarm ) taasoo dadku ay u adeegsadaan in uu subaxda hore ka kiciyo maadaama uu qeylo dheer yahay, ayadoo qubaradani ay sheegeen in Alarm-ga oo kugu soo qeyliyaaay sabab u noqon karto wadnahaada iyo dhiigaada oo si xowli ah hal mar ku kaca, maadaama aad ku naxeyso, taasina ay ugu danbeyn keeni karto cuduro halis ah sida wadno xanuun, dhiiig kar, xanaaq badan iyo sidoo kale cabsi fudud oo ah in aad wax walba ka naxdid.
Isha: Himilonews.com
Qalinkii C/laahi Jafan-jeef
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!