Aabo soo kireystay nin iska dhiga wiilkiisa oo dhintay si uu hooyadiis uga ilaaliyo inay ogaato dhimashadiisa

Beijing, China (Himilonews) – Aabe ayaa u kireystay nin si uu iskaga dhigo wiilkiisa oo dhintay si hooyadiis oo da’ ah aanay u ogaanin geeridiisa.
Huang Ge ayaa u dhintay cuuryaanimo hayeeshe aabihii Huang Xiaodong madooneyn inuu ogeysiiyo hooyadiis geerida wiilkiisa—isaga oo ka baqaya inay walbahaarto.
Maadaama araga iyo maqalka hooyadiis aysan fiicneyn, Xiaodong wuxuu soo kireystay nin iska dhiga wiilkiisa marka uu gurigeeda booqanayo.
Xiaodong ayaa bilaabay raadiinta nin ku habboon iska dhigista wiilkiisa, wuxuuna soo helay Wang Feng.
Xiaodong ayaa rabay qof da’ ahaan u dhaxeeya 25 iyo 28 jir –dhirirkiisuna uusan ka dheereyn hal mitir iyo bar. Wang Feng ayaana noqday qofkii ku habboonaa.
Wang ayaa bartay sida loogu fariisto kursiga cuuryaamada oo wiilkii dhintay ku fariisan jiray—sida uu ugu boodi jiray bakoorada—isaga oo dhamaan lagu gacan simay dhamaan qolkii uu jiifan jiray wiilka dhintay.
Wang ayaa sheegay in maalintii ugu horreysay ee uu isku diyaarinayey la kulanka ayeeyada—ay xaaskiisu ka xiirtay garka si uu matalaadda ugu soo baxo.
Aabaha wiilka dhintay ayaa sheegay in hooyadii ay aad u faraxday markay aragtay ninkan—oo aysan ogeyn inuusan aheyn wiilkii ay ayeeyada u aheyd.
Wang Feng ayaa sheegay inuu dareemayo fiicnaan si uu qoyskan kaga caawiyo inaysan walbahaarin hooyadood—oo uu ku dadaali doono farxad-gelinta ayeeyada uu iskaga dhigay inanka wiilkeeda.
Isha: Himilonews.com
Nagala soo xiriir: Himilonews@gmail.com
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!