crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Q1aad: Sahmiyihii ugu waynaa China waxa uu ahaa Muslim–waxaana uu ahaa Shengi Hii ( Zheng He) | HimiloNetwork

Q1aad: Sahmiyihii ugu waynaa China waxa uu ahaa Muslim–waxaana uu ahaa Shengi Hii ( Zheng He)

Muqdisho, Soomaaliya (Himilonews) – Marka aan maqalno sahamiyaashii aduunka waxa inta badan dhagaheena ku soo dhacaa sahimiyaashi waawaynaa ee wax badan ka ogaaday qaabka juquraafiyeed ee aduunkan manta aan kunoolnahay Sida Ibnu khaldoum, Ibnu Batuta, Marco polo, evliya celebi iyo Christopher Columbus Iw.
Lkn mid kamida sahimiyayaasha aduunka soo maray, ugu saamynta badnaa waxa uu ahaa sahimiyihii muslimka ahaa ee la odhan jiray Zheng He. Kaas oo loo aneeyo inuu sabab uhaa sahamintii, diblomaasiyadii iyo aqoontii ugu waynayd ee china dunida ka gaadho.
Hadaba kumuu ahaa Zheng He ?
Zheng He waxa uu dhasahay sanadkii 1371kii, waxa aanu ku dhashay goob udhaxaysa gobolka koonfurta china ku yaal ee la yidhaa Yunaan ilaa Huj. Waa goob ay dagaan asal ahaan muslimiinta jayniisku. Markii u dhashay waxa loo bixiyay Ma He. Ma waa magac ay muslimiinta china usoo gaabiyaan magaca Maxamed. Markaa, Ma He. Waa Maxamed He.
Waxa la sheegaa in aabihii iyo awoowgii ay galeen safari dhaadheer oo ay kaga yimaadeen china illaa Magaalada makka si ay usoo xajaan, sidaa daraadeed Ma he amma Zheng He waxa kasoo jeeday qoys ahlu diin ah oo muslimiin ah.
Ma He, markii uu aha dhalinyarada ayaa ayaa waxa kusoo duulay magaaladii ay daganaayeen ciidamadii boqortooyadii la odhan jiray Ming, waxaanu ka mid ahaa Ma amma Zheng dadkii la qabqabtay waxaana isaga loo qaaday caasimadii boqortooyada oo la odhan jiray Nanjing. Waxaana uu halkaa ka shaqaynayay guriga imbaradooriyada.
Ma He waxa ay aad isugusoo dhawaadeen oo ay noqdeen sxb isu dhaw mid kamida umaradii soo martay awoodii boqortooyada oo la odhan jiray Zhu Di. Waana waqtigaa markii ay qoyskaasi ubixiyeen magac sharafeedka zheng He. Magaca uu ku can baxay.
​La soco qeybaha xiga.
Qalinkii: Dr. Abdulkareem Boltour.
Nagala soo xiriir: Himilonews@gmail.com
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!