crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Muslimku ma xumaado: Tuug halkii laga xiri lahaa xoriyad maaliyadeed loogu deeqay! | HimiloNetwork

Muslimku ma xumaado: Tuug halkii laga xiri lahaa xoriyad maaliyadeed loogu deeqay!

Kuala Lampur, Malaysia (Himilonews) – Maareeyaasha suuq-weyn oo ku yaalla Malaysia ayaa lagu bogaadiyay kadib shaqo ugu deeqista tuug kaas o aan heysanin lacag uu cunto ugu iibiyo qoyskiisa.
Dhacdada ayaa kasoo shaac-baxday suuqa-weynaha Tesco ee ku yaalla Bukit Mertajam  maalintii Arbacada—kadib markii aabaha leh saddex carruur ah lagu qabtay tuugnimo.
Halkii laga filayey in booliska lagu war-geliyo fal-danbiyeedkiisa, maareeyaasha ayaa tuugga ugu deeqay shaqo—iyaga oo sidoo kale siiyay lacag caddiin ah oo uu ku bixiyo biilka ku socda.
Kadib ku deeqista, tuuggan oo 31-jir ah ayaa sheegay inuu aad uga mahdiyay helidda fursad labaad iyo shaqo—halkii booliska loo gacan gelin lahaa.
Wuxuu u sheegay maareeyaasha inuu u bareeray tuuganimada—waayo carruurtiisa ayaa ka gaajeysnaa, mana heysanin lacag uu cunto ugu iibiyo. Wuxuuna soo galay suuq-weynaha ama supermarket-ka isaga oo dhalooyin biyo ah, tufaax iyo qudrad kale kasoo xaday.
Balse durba waa la qabtay. Ninkan ayaa shaqadii dhismaha ee uu ka xoogsan jiray isaga soo tagay kadib kolkii xaaskiisa ay koomo gashay xilli ay umuleysay.
Ninka ayaa sheegay inuu awoodi waayay inuu shaqeeyo iyada oo xaaskiisu ay isbitaalka ku jirto—carruurtiisuna ay sugayaan daryeekiisa.
Isha: Himilonews.com
Nagala soo xiriir: Himilonews@gmail.com
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!