crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> January | 2023 | HimiloNetwork

Monthly Archives: January 2023

Fannaanka reer Nigeria oo dhab u qaatay Islaamka.

MUQDISHO (HN) — Abdulrasheed Bello oo ah ku guuleyste iyo helaha abaalmarinta ka koobaan heesaha, muusikiistaha, hobolka heesaha kulul ayaa qaatay diinta Islaamka. Wuxuu u dhashay dalka Nigeria. Waana mid kamid ah kuwa ugu caansan dunida hal-abuurka heesaha iyo muusiga ee dalka dalka ugu dadka badan Afrika ee Nigeria. Go’aankiisa iyo warka sheekadiisa ayuu ku baahiyay bartiisa instagram-ka. Wuxuuna ku ...

Read More »

La kulan – Imamka Cunnada u kariya Darbi-jiifta.

MUQDISHO (HN) — Imaamnimadu waa hoggaamin, wanaajin iyo isku dumidda dadka siiba jamaacada Masjidka iyo Muslimiinta si guud. Laakiin Metin Kaçar oo imaam ka ah masjid ku yaalla Istanbul, waxaa usii dheer inuu maalinle cunnada ugu kariyo jaarkiisa danyarta u badan oo aan heli karin cunno ay cunaan. Waa 60 jir imam ka ah Masjidka Hürrem Çavuş muddo 26 sannadood ...

Read More »

La-yaab: Magaciisa ayaa Musiibo ku noqday!

MUQDISHO (HN) — 46 jirka lagu magacaabo René Martínez Gutiérrez dabci ahaan waa qof xasilan oo nabdoon. Laakiin taasi kama horjoogsan inuu galo gacanta booliska saddex jeer muddo 13 sanno gudahood ah siyaalo kala duwan. Sababtuna waa inay isku magac yihiin nin dambiile ah oo baxsad ka ah booliska kaas oo sharcigu raadgurayay muddada intaas la’eg. Waxay isku magac yihiin ...

Read More »

Sheekadii wiilkii Dhuudhuumashowga ku dhumay ee dalka kale laga soo qabtay!

MUQDISHO (HN) — Markii Fahim uu galayay kontaynarka si uu uga dhuunto saaxiibadiis, maanu fileyn inuu lix beri ku dhex jiri doono – dal aan dalkiisa ahaynna uu ku tagi doono. Waa wiilka ugu nasiibka badnaa taariikhda dhow dalka Bangladesh. Isaga oo saaxiibadiisa waxay cayaarayeen Dhuumashow markii uu isku dhex qariyay kontaynar kamid ah kuwa yiilay agagaarka marsada. Laakiin wax ...

Read More »

Sabab yaab leh ayuu geeridiisa uga beensheegay!

MUQDISHO (HN) — Nin u dhashay dalka Brazil ayaa sameeyey fal lala yaabay kaddib markii uu ka beensheegay dhimashadiisa si uu u ogaado cidda kasoo qeybgasha tacsidiisa iyo cidda aan kasoo qeybgalin ee saaxiibada kamid ah. Muddo badan ayuu 60 jirkan u kuurgashay tacsida dadka uu yiqiin oo ay kasoo qeybgaleen saaxiibo hal iyo labo ah oo ay ifka isaga ...

Read More »

Dumarka Shiinaha ma ahan agab ‘wax lagu xayaysiisto’.

MUQDISHO (HN) — Xayaysiimaha iyo iibka tooska ah ee lagu iibiyo interner-ka waa ganacsi lacag adag laga soo xereeyo sannad walba. Waxaana wax ka iibsada malyuumaad dad ah oo gudaha Shiinaha ku nool. Laakiin dhawaanahan waxaa lasoo rogay xeerar adag oo lagu xadidayo ama lagu faafreebayo isticmaalka adeeggan. In haweenka loo adeegsado agab ahaan – oo ay xayaysiiyaan maryaha la ...

Read More »

Subaxaanallah: Xaaskiisa oo dhimatay ayuu sheegtaa inuu kusoo nooleystay lacag dhan $3000.

MUQDISHO (HN) — Marwalba oo aan halkan kusoo bandhigayno dhaqamada dadyowga kale oo aan Muslimiinta ahayn, ujeedku waa inaan fahamno nimcada iyo quruxda diinta Islaamka ee Ilaahay uu naga dhigay kuwo heysta oo Muslimiin ah. Lammaanayaasha Muslimiinta ah marka ay ifka ku kala tagaan, waxaan rumeysannahay inay dib, in sha Allah, ay isula midoobi doonaan Jannooyinka Ilaahay u diyaariyay addoomadiisa ...

Read More »

Sababta Gabadhan looga mamnuucay inay farriin dambo u dirto Jaceylkeedii hore.

MUQDISHO (HN) — Been haddii aad moodi jirtay oraahda caanka ah ee tiraahda: Allahayow haween naga jecleysiin iskama karnee; hana na necbeysiin iskuma karnee, hadda rumeyso. Sababta oo ah haweeney ku nool UK ayaa laga mamnuucay inay farriin qoraaleed dambe ay dirto kaddib markii in ka badan 150 jeer ay farriimo u dirtay jaceylkeedii ay kala hareen oo aan in ...

Read More »

Ururka Gacmo Furan oo kaalmo la gaaraya Danyarta iyo Darbi-jiifta UK.

MUQDISHO (HN) — Gu’yaal badan ayay kooxdan Muslimiinta ah oo la yiraahdo Hands Open ama Gacmo Furan cunnooyin bisil la gaarayeen dadka danyarta ah ee inta badan jiifsada gidaaradda iyo jidadka iyo qoysaska tabaaleysan. Waxayna qeyb ka yihiin ol’olaha qaran ee ciribtirka gaajada ee ka socda UK. Waxaana howlgalkooda dheeri ku ah siinta iyo u diyaarinta meelo ay jiifsadaan iyo ...

Read More »

Kaniisad loo beddelayo Masjid.

MUQDISHO (HN) — Saddex sanno ayay albaabada isugu dhifsaneyd Kaniisadda St. Margaret Mary. Laakiin hadda waxaa la doonaya in loo beddelo Masjid lagu cibaadeysto oo Muslimiintu ku tukadaan. Waana kaniisaddii saddexaad oo ay Muslimiintu u beddeshaan Masaajid ay ku tukadaan. Guud ahaan Kanada waxaa ku yaalla 32 Masjid oo ay ururkan Muslimiinta ah ka dhiseen. Balse qeyb kale oo kaniisaddan ...

Read More »
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!