crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Nin Moos ku dhex beeray ‘bartanka waddo laami ah’ | HimiloNetwork

Nin Moos ku dhex beeray ‘bartanka waddo laami ah’

MUQDISHO (HN) — Nin u dhashay Japan ayaa geedaha Mooska ku abuuray bartamaha laami weyn oo ay baabuurtu adeegsadaan. Dadka ku nool Kurume City ayaa ku baraarugay natiijada geedo waaweyn oo labadii sannadood ee lasoo dhaafay uu waraabinayay ninkan kuwaas oo u baxaya si aan kaliya qurux ahayn balse mira-dhal ah.

Ninkan oo 50 jir lagu sheegay – balse aan magaciisa la aqoon – waxay dowladda hoose ee Kurume ku wargelisay inuu ka jaro geedaha mooska oo uu muddo labo sanno ah waraabinayay. Lamase yaqaan, sababta uu ninkan ku doortay inuu bartamaha laamiga ku beero geedo. Waxaase taas beddelkeeda – inta uusan jarin kahor – ay soo jiiteen indhaha dalxiisayaasha. Waxaase dowladda oo ku adkaysanaysa go’aankeeda ay ganaax ahaan ka rabi doontaa adduun dhan 500,000 yen ($3,350) haddii uusan jarin geedahaas!

“Waxaan dareemayaa kelinimad geedahayga la’aantood,” ayuu u sheegay warbaahinta isaga oo jaraya.

Saxaafadda ayaa ku baxday sheekadiisa kaddib markii ficilkiisu uu hadalheyn qaran ka noqday dalka Japan. Waxaa la arkayaa isaga oo cunaya mid kamid ah mooska oo ceyriin ah!

error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!