HomeDunida MuslimkaDumar badan oo qaadanaya diinta Islaamka!

Dumar badan oo qaadanaya diinta Islaamka!

MUQDISHO (HN) — Haween badan oo ah facii dhashay intii u dhaxaysay sannadihii 1990-kii ilaa 2010 ayaa qaadanaya diinta Islaamka markii ay aqristeen Qur’anka si dhowna ugu fiirsadeen dhabar-adeyga Muslimiinta Falastiin kaddib.

Qaadashadooda Islaamka waxay ka bilaabanaysaa October 7 oo ah markii Mujaahidiinta – Xaq-u-dirirka ah – ay dagaal ku qaadeen Yuhuudda kaas oo ay kaga shahiideen in ka badan 12,300 oo Muslimiin reer Falastiin.

Madison Reeves, oo 24 jir ah ayaana kamid ah. Waxay kasoo jeeda gobalka Tampa, Florida, dalka Maraykanka. Xiisaha ay u qabto Islaamka waxay soo bilowday bishii September markii ay goob fogaan arag ah ay wada hadal kula qaadatay dhalinyaro Muslimiin ah.

https://www.tiktok.com/@6toedcats/video/7300811804953840939?is_from_webapp=1&sender_device=pc&web_id=7306031413732083206
Iyada oo ka hadlaysa Qaadashadeeda Islaamka

“Waa tallaab mudan iyo macaan badanba leh,” ayay tiri iyada oo ka hadlaysa sababtii ay Islaamku ku jeclaatay!

Madison, laakiin, ma ahan Muslimadda kaliya ee dhacdooyinka Gaza ay sabab u noqotay inay Islaamka qaadato. Megan Rice oo ah tiktokerad Maraykanka u dhalatay ayaa kamid ah.

Alex, waxay dhawaan soo dhigtay muuqaal ay kaga hadlayso Islaamka iyo Qur’anka. Waxayna bilowday inay xirato xijaabka, sida ay kusoo warrantay Daily Mail.

Waxay gaashaanka u daruurtay mar un in laga yaabo inay dib u jeclaato dhaqamada dib u socodka ah ee Galbeedku dunida ku maaweeliyaan iyaga oo ku sheegaya xurriyad iyo ilbaxnimo!

“Galbeed gabbalka ayaa u dumay mana hayaan jidka nolosha iyo macaanka,” ayay tiri.

https://www.tiktok.com/@localstreetcat92/video/7302432997968547114?is_from_webapp=1&sender_device=pc&web_id=7306031413732083206
Himilo
Himilohttp://Himilonetwork.com
Zakariya Xasan Maxamed - waa helaha iyo mulkiilaha Shabakadda Himilo, qoraa, suxufi iyo geyfane u ol'oleeya arrimaha bulshada iyo degaanka. Wuxuu marqaatiga koowaad ka heystaa culuumta siyaasadda iyo maamulka.
RELATED ARTICLES

Most Popular

Recent Comments