crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Masjidka Bradford oo 300 oo baaskiil u qeybinaya Jamaacaddiisa da’yarta ah! | HimiloNetwork

Masjidka Bradford oo 300 oo baaskiil u qeybinaya Jamaacaddiisa da’yarta ah!

MUQDISHO (HN) — Si da’yarta carruurta u badan loo farxiyo, Masjid ku yaalla Bradford ayaa ku dhawaad 300 oo baaskiillo iyo kushneetooyin ‘scooters’ u qeybiyay si ay ugu xirmaan bulshada inteeda kale ugana mid noqdaan jamaacada.

Masjid-at-Taqwa waxaa guddoonsiinta baaskiillada ka kaalmeeyey ururka OnTrak, sida ay kusoo warrantay telegeraph.

Saraakiisha amniga iyo maamulka degmada Bratford ayaa goobjoog ka ahaa madasha. Waxayna dhinac joogeen guddiga masjidka si ay ugu dhiirrigeliyaan kaalintooda.

“Waxaa la arkayay wejiyo badan oo si qurxoon u dhoolla-caddaynayay iyaga oo saaran baaskiilladooda.”

Bradford waxay Muslimiinta ku nool yihiin ka yihiin bulshadeeda 30%. Wayna sii kordhaysaa kobaca tiradooda.

UK waa meelaha ay diinta Islaamku ay aad ugu xooggan tahay!

error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!