MUQDISHO (HN) — Aabayaal badan marka ilmo loo dhalo waxay ula baxaan magacyo dadeed. Laakiin sheekada aabahan soo aadan way ka duwan tahay middaas. Wuxuu wiilkiisa u bixiyay magaca shirkadda uu ka shaqeeyo. Waana go’aan isaga iyo afadiisa ay isla gaareen kahor guurkooda. Laakiin curadkoodii madaama ay gabar ka noqotay uma suuragalin. Balse markii cunugiisa labaad uu wiil noqday, wuu ...
Read More »Monthly Archives: July 2022
Hooyo Buundo ka kor dhistay Laami hormara Iskuul Wiilkeedu dhigto!
MUQDISHO (HN) –– Hooyo beernugeylku ka batay oo ku nool Shiinaha ayaa adduun lacag oo ka badan hal milyan oo yuan una dhiganta ($154,000) ku bixisay dhismaha laba buundo oo kor mara laamiga kusoo jeeda iskuulka uu dhigto wiilkeeda – si ay u hubsato in inankeeda iyo ilmaha la socdaba ay si nabdooni leh uga soo gudbaan laamiga. Hooyadan oo ...
Read More »Kabo Qofka Indhoolaha caawinaya oo lasoo saaray! +Sawirro.
MUQDISHO (HN) — Shirkad laga leeyahay dalka Austria ayaa dhawaan soo saartay kabo caaqil ah oo foodda looga rakibay jiheeye dareenside ah oo dadka araga la’ ka caawinaya inay ka hortagaan ama ka joogsadaan halisaha kusoo fool leh marka ay soconayaan. Afar tallaab kahor qofka soconaya ayuu helayaa digniinta waxa looga digayo. InnoMake oo ah shirkadda sameysay kabahan waxay dooneysaa ...
Read More »27 jirka ‘wejigiisu u eg yahay 7 jir’ oo heli la’ cid shaqaaleysiisa + Sawirro.
MUQDISHO (HN) — 27 jir ku nool Dongguan, China, wuxuu dhib kala kulmayaa helidda shaqo madaama uu aad ugu eg yahay ilmo in ka badan da’diisa. Mao Sheng way kugu adag tahay inaad ka rumeysatid da’da uu sheeganayo oo ah 27 jir. Waayo muuqiisa hore marka aad aragtid ayaad aaminaysa inuu ka yar yahay da’da 10-jirka. Halka dad badan ay weji ...
Read More »Siyaasi ku xanuunsaday biyaha webi wasaqoobay oo uu Shacabkiisa rabay inay ka cabaan!
MUQDISHO (HN) — Siyaasi ku nool oo – si uu bulshadiisa ugu muujiyo in webi deegaankiisa mara aanu fadaro ‘wasaq’ ahayn – kaas oo koob biyo kasoo darsaday kadibna cabay ayaa loola cararay isbitaalka maalmo un kaddib markii uu tallaabtaas ku kacay. Ilo wareed lagu kalsoonaan karo oo la xiriiray isbitaalka ayaa sheegay in siyaasiga uu kasoo cawday xanuunka dhanka ...
Read More »Xildhibaan Muslimad ah oo ‘farriin awood badan’ usoo dirtay Gabdhaha Muslimiinta Australia.
MUQDISHO (HN) — Muuqaal u muuqday garab istaag iyo dhiirri-gelin ayaa ka yimid Fatima Payman oo ah muxajabadii ugu horreysay dalka Australia oo kamid noqota golaha barlamaanka dalkaas kaas oo ay ugu yeerayso haweenka Muslimiinta inay si kalsooni iyo qab leh ugu xaragoodana xirashada xijaabka. Iyada oo kahor hadlaysay golaha, Fatima waxay sheegtay in barlamaanka dalkeedu uu maantada la joogo ...
Read More »Arday ku hor tukaday bannaanka Jaamacadda si ay u muujiyaan baahi jirta oo aan laga jawaabin!
MUQDISHO (HN) — Muddo badan oo baaqooda lagu gacanseyray kaddib, ardayda Muslimiinta ah ee dhigta Jaamacadda Melbourne’s Monash ayaa hab banaanbax ah ugu tukaday bannaanka hore ee ardaaga kasmada Claynton. Baaxadda yar oo ay ku tukadaan waxaa kaliya uu qaadi karaa 8 dumar ah iyo 8 rag ah tiiyoo jaamacadda ay toddobaad walba soo gaarayaan codsiyo uga imaanaya arday gaaraysa ...
Read More »Subxanallah: Daawo – Kalluunka lugaha ku socda!
MUQDISHO (HN) — Noolaha Eebbe laguma soo koobi karo tiro. Waana nimcooyinkiisa uu ina Aadan ku galladay. Mid kamid ah waa kalluunka oo kala jaadad ah balse si guud aan u aragno kuwo muuqa ka siman. Laakiin waxaa jira in kale oo aan ku muuq ahayn kalluunka intiisa kale. Mana ahan mid kale waa kalluunka Brachiopsilus dianthus oo la yiraahdo ...
Read More »Sana Khan oo sheegtay sababtii ay Xijaabka u xiratay – aflaamtana isaga hartay.
MUQDISHO (HN) — Kasoo laabashada gudashada acmaasha Xajka iyo Cumrada, Xidigtii Bollywood-ka, Sana Khan ayaa markii ugu horreysay ka hadashay ka haritaankeedii aflaamta iyo waxa ugu wacan oo ay xijaabka inay xirato ay ku bilowday. Filimo aad uga gadmay tiyaatarrada Hindiya oo ay la jishay jilayaal caan ah sida Salman Khan ayay kamid ahayd. Laakiin sidaas oo ay tahay, kama ...
Read More »Sheekada Haweeneyda Mataanaha Dhasha oo Seygeedu ku nacay dhalmada Badan.
MUQDISHO (HN) — Nin u dhashay dalka Uganda ayaa boorsooyinkiisa ka urursaday guriga xaaskiisa u dhashay mataanihii shanaad oo xiriir ah. Halka dad badan ay wax walba u quurayaan inay ilmo dhalaan – mid kaliya un xattaa, iskaba daa labo e, in kale dhib kuma qabaan inay nacaan oo ay ka fogaadaan. Waana sheekada ninkan u dhashay dalka Uganda midda ...
Read More »