crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Hooyo Buundo ka kor dhistay Laami hormara Iskuul Wiilkeedu dhigto! | HimiloNetwork

Hooyo Buundo ka kor dhistay Laami hormara Iskuul Wiilkeedu dhigto!

MUQDISHO (HN) –– Hooyo beernugeylku ka batay oo ku nool Shiinaha ayaa adduun lacag oo ka badan hal milyan oo yuan una dhiganta ($154,000) ku bixisay dhismaha laba buundo oo kor mara laamiga kusoo jeeda iskuulka uu dhigto wiilkeeda – si ay u hubsato in inankeeda iyo ilmaha la socdaba ay si nabdooni leh uga soo gudbaan laamiga.

Hooyadan oo magaceeda lagu sheegay Meng ayaa dhawaan u sheegtay warbaahinta in laamiga hormara iskuulka inankeeda uu marwalba si joogto ah u mashquul iyo ciriiri badnaa. Mana lahan taraafiko iyo ilaalo si gaar ah ula socota xawaaraha ay baabuurta maraysa ku socdaan taas oo cabsi badan ku abuurtay hooyooyin badan oo iyadu kamid tahay. Mana ahayn dhib iyo cabsi ku gaar ah ardayda marka ay timaado gudbitaanka laamiga. Waxaa sidoo kale ku dhib qabay barayaasha iskuulka.

Sabab kale oo ay hooyadani sheegtay inay u dhistay kaabadda ayay ku sheegtay in inankeeda uu marwalba guriga yimaado isaga oo kabihiisu ka dhiiqoobeen madaama afaafka iskuulka ay dhiiqo badneyd.

“Biyaha isugu soo urura afaafka iskuulka waxay ardaydu kala kulmaan dhib marka ay gudbi rabaan. Meelaha ay ilmuhu ku sugaan inay waalidkoodu ugu yimaadaan si ay uga soo qaadaanna, waa wada dhiiqo,” ayay tiri.

Si kastaba, markii qorshaheeda ah in la dhiso kaabad iyo in la sameeyo jid laami-la-mood ah oo looga nabadgalo dhiiqada iyo wasaqda ay u bandhigtay waaxda dowladda hoose u qaabilsan horumarinta mashaariicda, Meng waxay heshay soo dhawayn diirran. Waxayna ku bixisay lacagteeda si mashruucu u hirgalo.

Meng waxay sheegtay inaysan inankeeda la wadaagin samafalka ay suubisay – iyada oo diidaysa inuu ardayda kale ka xigsado samaha guud ee ka wada dhaxeeya. Hadafkeeda qura ayayna ku sheegtay in ardayda iyo barayaasha ay si nabdoon oo bedqab leh uga gudbaan laamiga kagana soo noqdaan iskuulka kaddib.

“Waxaan sameeyey kaliya wixii aan awoodi karay. Lacagtu kulama tagayso markaad geeriyooto. Mana doonayo inaan lacag fara badan uga tago wiilkayga,” ayay tiri. “Waxaan kaabaddan ‘buundadan’ u bixi doonaa Kaabaddii Xigmadda.”

Sheekada haweeneydan oo aad ugu baahday baraha bulshada ayay ku mudatay bogaadin iyo ammaan. Waxaana lagu tilmaamay qof kaalin wax ku ool ah iyo dhaxal aan tirmin uga tagaysa bulshadeeda iyo qarankeeda.

error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!