MUQDISHO (HN) — Muuqaal u muuqday garab istaag iyo dhiirri-gelin ayaa ka yimid Fatima Payman oo ah muxajabadii ugu horreysay dalka Australia oo kamid noqota golaha barlamaanka dalkaas kaas oo ay ugu yeerayso haweenka Muslimiinta inay si kalsooni iyo qab leh ugu xaragoodana xirashada xijaabka.
Iyada oo kahor hadlaysay golaha, Fatima waxay sheegtay in barlamaanka dalkeedu uu maantada la joogo si dhab ah uga runsheegay xurriyadda kala duwanaanshiyaha iyo wada noolaanshaha.
“Boqol sannadood kahor – iskaba daa toban sanno kahor, miyuu aqalkani oggolaa inuu gabar Muslimad muxajabad ah ay xubin ka noqoto?” ayay tiri. “Kuwa raba inay xijaabkayga u arkaan mid ka dhan ah doonistayda iyo xurriyadayda, waxaan rabaa inaan idin sheego in xijaabku ii yahay kaan doortay.”
“Waxaan rabaa in gabdhaha da’yarta ah inay ku faanaan xirashada xijaabkooda sida qof kale oo jidka la maraya uu u doorto xirashada wixii uu rabo,” ayay tiri.
Payman waxay iyada oo 8 jir ah ka timid dalka Afghanistan. Waxaana la socday waalidkeeda iyo walaalaheed.
Aabaheed wuxuu dalkan sidoo kale kusoo galay dhuumaalaysi. Waxaana uu muddo kooban ku jiray gaalshiraha kadib intaan la siini deganaanshiyo iyo sharci.
Fatima Payman kaliya ma ahan Muslimaddii koowaad ee xirata xijaabka, laakiin waa qofkii ugu da’yaraa ee kamid noqda aqalka sare.
You must log in to post a comment.