crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Arday ku hor tukaday bannaanka Jaamacadda si ay u muujiyaan baahi jirta oo aan laga jawaabin! | HimiloNetwork

Arday ku hor tukaday bannaanka Jaamacadda si ay u muujiyaan baahi jirta oo aan laga jawaabin!

MUQDISHO (HN) — Muddo badan oo baaqooda lagu gacanseyray kaddib, ardayda Muslimiinta ah ee dhigta Jaamacadda Melbourne’s Monash ayaa hab banaanbax ah ugu tukaday bannaanka hore ee ardaaga kasmada Claynton.

Baaxadda yar oo ay ku tukadaan waxaa kaliya uu qaadi karaa 8 dumar ah iyo 8 rag ah tiiyoo jaamacadda ay toddobaad walba soo gaarayaan codsiyo uga imaanaya arday gaaraysa 260.

“Waxaynu galnay kulamo iyo is-aragtiyo badan kuwaas oo madhalays iyo fashil kusoo dhammaaday,” ayay tiri Fatima Ramtoola oo kamid ah horjoogayaasha ardayda. “Tani waa caddaalad-darro annaga la innagu sameynayo waana sababta aan usoo banbaxnay.”

Ardayda Jaamacadda Monash ma ahan kuwii ugu horreeyey ee usoo banaan baxa helidda mowlac ay ku tukadaan. Sannadkii 2019-ka, ardayda jaamacadda Ottawa ayaa isu-soo bax ay ku qabteen afaafka jaamacadda ku muujiyay cabashadooda ku aadan helid la’aan goob ku filan oo ay salaadaha ku oogaan.

Laakiin maamulka Jaamacadda ayaa sheegay inaysan iska indha-tirin codsiga ardaydooda.

“Waxaynu isla qaadaa-dhignay tabaha iyo siyaalaha lagu heli karo kob ku filan oo aan ku dabooli karno baahida ardayda Muslimiinta ah ay u qabaan meel ay ku tukadaan,” ayuu yiri ku-xigeenka qeybta wax-barashada ee Jaamacadda.

error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!