HomeMuuqaalladaSubxanallah: Daawo - Kalluunka lugaha ku socda!

Subxanallah: Daawo – Kalluunka lugaha ku socda!

MUQDISHO (HN) — Noolaha Eebbe laguma soo koobi karo tiro. Waana nimcooyinkiisa uu ina Aadan ku galladay. Mid kamid ah waa kalluunka oo kala jaadad ah balse si guud aan u aragno kuwo muuqa ka siman. Laakiin waxaa jira in kale oo aan ku muuq ahayn kalluunka intiisa kale.

Mana ahan mid kale waa kalluunka Brachiopsilus dianthus oo la yiraahdo malaayga socda oo lugaha leh. Beddelkii uu dabaalan lahaa, wuxuu ku socdaa gunta hoose ee badda. Wuxuuna kamid yahay 14 nuuc oo kalluunku u qeybsamo. Wuxuu ku nool yahay ama ku badan yahay badweynta koofur-bari Australia.

Haddaba halkan hoose ka daawo.

Himilo
Himilohttp://Himilonetwork.com
Zakariya Xasan Maxamed - waa helaha iyo mulkiilaha Shabakadda Himilo, qoraa, suxufi iyo geyfane u ol'oleeya arrimaha bulshada iyo degaanka. Wuxuu marqaatiga koowaad ka heystaa culuumta siyaasadda iyo maamulka.
RELATED ARTICLES

Most Popular

Recent Comments