crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Sana Khan oo sheegtay sababtii ay Xijaabka u xiratay – aflaamtana isaga hartay. | HimiloNetwork

Sana Khan oo sheegtay sababtii ay Xijaabka u xiratay – aflaamtana isaga hartay.

MUQDISHO (HN) — Kasoo laabashada gudashada acmaasha Xajka iyo Cumrada, Xidigtii Bollywood-ka, Sana Khan ayaa markii ugu horreysay ka hadashay ka haritaankeedii aflaamta iyo waxa ugu wacan oo ay xijaabka inay xirato ay ku bilowday.

Filimo aad uga gadmay tiyaatarrada Hindiya oo ay la jishay jilayaal caan ah sida Salman Khan ayay kamid ahayd. Laakiin sidaas oo ay tahay, kama helin raaxo iyo xasilooni guushaas ay ka gaartay jilidda aflaamta. Waxayna sheegtay inuu lasoo dersay murugo iyo walbahaar.

“Sannadkii 2019-ka, waxaan xusuustaa iyada oo bil Ramadaan lagu jiro inaan riyada ku arki jiray aniga oo la igu dhex cadaabayo qabriga; aad ayaana uga murgi jiray,” ayay tiri.

“Eebbe ayaase doonay inuu fursad aan ugu soo laabto ii oggolaaday oo aan kaga haro macsida iyo dabagalka raaxada dunyawiga ah; waxaan riyadayda ku dareemi jiray farriin ah in haddii aan sidaan aan u noolahay aan waxba ka beddelin aan u dhammaan doono kobtaas cadaabta ah.”

“Kadibna waxaan bilaabay inaan dhageysto baanisooyinka ‘khudbadaha’ diiniga ah si aan ugu dego. Aroortii xigtayna, waxaan go’aan ku gaaray inaan xijaabka xirto oo aan mar dambe iska dhigin inta noloshayda ka dhiman.”

Iyada iyo seygeeda Anas Sayied ayaa dhawaan u baxay Xajka.

Sana waxay hadda leedahay bar Youtube ah oo ay soo dhigtay muuqaallada ku saabsan socdaalka ay iyada iyo seygeeda ay ku bixiyaan dunida.

error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!