crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Sheekada Haweeneyda Mataanaha Dhasha oo Seygeedu ku nacay dhalmada Badan. | HimiloNetwork

Sheekada Haweeneyda Mataanaha Dhasha oo Seygeedu ku nacay dhalmada Badan.

MUQDISHO (HN) — Nin u dhashay dalka Uganda ayaa boorsooyinkiisa ka urursaday guriga xaaskiisa u dhashay mataanihii shanaad oo xiriir ah.

Halka dad badan ay wax walba u quurayaan inay ilmo dhalaan – mid kaliya un xattaa, iskaba daa labo e, in kale dhib kuma qabaan inay nacaan oo ay ka fogaadaan. Waana sheekada ninkan u dhashay dalka Uganda midda caddeyn nool u ah. Nalongo Gloria weligeed ma marin habka isku beeridda ilmaha, haddana ma joojiso inay dhasho ilmo mataano ah goor walba. Dhawaan ayayna haweeneydan ifka kusoo biirisay ilmihii 9aad iyo 10aad taas oo seygeeda Ssalongo ka yeeshay inuuba guriga isaga tago isaga oo ku tilmaamaya mid aan caadi ahayn oo uusan awoodi karin inuu koriyo ilmaha intaas dhan.

“Markii aan qaaday uurkayga mataanaha, wuxuu ii sheegay inay ku adag tahay isaga ahaan oo aan gurigayga aado,” ayay tiri Nalongo Gloria. “Markii uu isoo dirayay, ma heysan nambaradda qoyskiisa. Waxaan imid Kampala si aan adeegto uga noqdo; marka haddana wuxu i yiri; haddii aan mid mid ilmo u dhali karin, ma qaadi karo noloshaada.”

Subax kamid ah subaxyada, si kastaba, Gloria ayaa u timid seygeeda oo boorsooyinka ka urursaday guriga ugana dhex baxay iyada ilmaheeda. Wacaalkiisana ma maqal taniyo markaas. Waxaana ay la kacaa-kufaysa korinta ilmaha. Laakiin waa qof niyad fiican oo rejo leh.

“Kama qoomameynayo inaan dhalay tirada intaas la’eg; waan ogahay aabahood majecla; aniguna cidlo uga dhaqaaqi maayo,” ayay tiri. “Culeys walba oo ila soo gudboonaada, ma beylihi doono caruurtayda.”

Hadda waxay la nooshahay 7 carruur ah madaama mataanaha ugu weyn ay magaalka galeen – mid uu ka dhintay. Waxay wajahayaan mustaqbal aan saadaal lahayn maadaama lihilaha guriga ay ku jirto uu dhawaan ku wargeliyay inay isaga guurto.

Ma ahan markii ugu horreysay dalka Uganda in haweeney mataano dhashaa ay qabsato hadalheynta. Waxaa kasoo jeeda haweeneyda 44 ciyaal ah ku dhashay oo jirta 44 sanno.

error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!