MUQDISHO (HN) — Ku jiritaanka xaalad bandow ah oo dunida oo dhan lagu soo rogay, kama horjoogsan qoys Maraykanka inay yimaadaan masjidka si loogu qabto kalmadda tawxiidka si ay u aqbalaan in Alle mooyee aanu Ilaah kale jirin, Suubane Muxumed NNKH uu yahay Nabigii uu soo diray. Hooyada iyo saddexdeeda carruur waxaa iyaga oo taagan ardaaga hore ee Masjidka shahaadada ...
Read More »Monthly Archives: May 2020
La kulan: Halyaygii Bulshadiisa ku beeray Jaceylka nadaafadda iyo bilicda!
MUQDISHO (HN) — Kaddib halgan adag oo uu ku bixiyay sidii uu bulshadiisa ugu baraarujin lahaa ol’olaha nadaafadda iyo bilicda degaanka, hadda wuxuu helay wadiiqo u sahleysa inuu dareenkooda ku hantiyo. Rudi Hartono, oo Induniisiyan ah waa mulkiile goob cunnada fudud lagu iibiyo ku leh koofurta Sulawesi, wuxuuna muddo badan dadaal ugu jiray in dadku mas’uuliyad iska saaraan daryeelka magaalada ...
Read More »Japan oo heshay hab ay Diidiimadu kaga gudbi karaan dhabbayaasha tareennada.
TOKYO (HN) — Dadka reer Japan ayaa iskaga imaanaya inay xal u helaan dhimashada Dii-diinka oo marwalba oo ay doonayaan inay gudbaan dhabba-bireedyada tareenka ay ku dhintaan. Waxaana jira dhowr kiisas oo diin badan ay ugu wax-yeeloobeen marista waddooyinka tareenka. Hadda waxaa jira dadaal ay horbaadayaan Waaxda West Japan Railway Co kaas oo looga golleeyahay in la yareeyo shilalka ay ...
Read More »Donald Trump oo Dhaqtar Muslim ah u doortay Dadaalka lagu soo saarayo Tallaalka Covid-19.
WASHINGTON (HN) — Dadaal lagu doonayo in looga hortago cudurka Corona iyo helidda tallaalkii lagula tacaali lahaa, madaxweyne Donald Trump ayaa Guddiga soo saara tallaalka Covid-19 wuxuu hormuud uga dhigay dhaqtar Muslim ah. Dr. Moncef Slaoui, oo Biljan-American ah ayaaloo magacaabay inuu hoggaamiyo Guddi loo dhisay inay sida ugu dhaqsiyaha badan kusoo saaraan tallalka cudurka Corona dhammaadka sannadkan. Shir jaraa’id ...
Read More »Muslimiin gargaar kala duwan la gaaraya kuwa ayaanka liita!
MUQDISHO (HN) — Ramadaanku waa bil wax walba oo samafal ah la isku booriyo in loo kala dheereeyo. Halka in badan ay cibaadadoda gaarka ah ku mashquulsan yihiin, waxaa jira in kale oo taas raaciya samafal ay u sameeyaan dadka ayaanka liita iyo kuwa la iska hilmaamay noloshooda. Samafalayaal ka socda Muslim Giving Back ayaa fagaaraha Manhattan habeen walba cunnooyin ...
Read More »La kulan: 8 jirka Masjidkiisa gaarka ah ka dhex sameystay Qolkiisa.
LONDON (HN) — Muslimiin badan oo dunida ku nool, sannadkan bisha Ramadaan waxay u ahayd mid aad kaga duwan sannado badan. Dadaallada ay dowladuhu kaga hortgayaan faafista cudurka Corona ayaa sababtay in Muslimiin badan oo dunida ku kala sugan aysan helin fursad ay masaajidda isugu tagaan si ay ugu cibaadeystaan. Laakiin dad badan waxay go’aansadeen in Masjidkooda gaarka ah ay ...
Read More »Sababta Mashruuca ‘Ma ihi Muslim laakiin waxaa soomaya hal maalin’ loo bilaabay!
LONDON (HN) — Gudaha Magaalada Blackburn ee dalka UK waa wax caadi iska ah inaad aragto dad-aan-Muslimiin ahayn oo soomaya inta lagu jiro bisha Ramadaan – si ay garab-istaag iyo taageero ugu muujiyaan Muslimiinta. Iyada oo xilligan lagu jiro waqti cudurka Corona uu dunida kala xiray, haddana Naadiga One Voice ayaa ugu yeeray dadyowga aan Muslimiinta ahayn inay hal maalin ka ...
Read More »Ciida oo la filayo inay dhalato 24 bisha May.
MUQDISHO (HN) — Ciidda waxaa la filayaa inay dhalato 24 bishan, marka loo eego Guddiga Cilmi-baarista iyo Fatwooyinka ee Culimada Yurub. Iyaga oo adeegsanaya tirsiga wareegga Dayaxa, waxay isku raaceen in maalinta Axadda ah oo taariikhdu ku beegan tahay 24-ka bisha ay tahay Maalinta Koowaad ee Ciidda. Geesta kalana, waxaa dhawaaq lamid ah midkaas uu kasoo yeeray Guddiga Muslimiinta Latin ...
Read More »Q10aad: Ereyo iyo Oraahyo Jaceyl xanbaarsan.
Waad ii ahaatoo iimaanka deeqdaye, naftu ku oggolaataye, ifka noloshu waa adiga.Ubaxyahow bidhaamee, oogada ka nuuray, indhahayga naxariis adigaa ku beeray.Indheergarad ku jecelo kuu ooman baan ahay.Allihii ku uumaa qurux kugu manneystay.Mar haddii jaceylkeennu ku korayo qalbiyadeenna gudahooda, quruxduna way soo koraysaa. Illeen jaceylka ayaaba ah quruxda ruuxdeenna.Nolosha waxaan ka dhex jeclaaday adiga. Haa adiga.Waxa ugu muhiimsan ayaa ah waxa ...
Read More »Q9aad: Ereyo iyo Oraahyo Jaceyl xanbaarsan!
Waro ila biyood lahoo, geeduhu anwaaciyo miro aada bixiyeen aragoodii lihidaa.Deymada xishoodkaa markaad luqunta dadabtaa kolba laygu didayaa oo layga darayaa.Amal barashadaadii jaceyl bay abaaray. Adna kugu ekaayoo eebadu ku gaartaye, ababsiinta caashaqa awoodeeda lihinaa.Daruuraha aslaayee, ashkir dahab la moodiyo, sagalladaa abuurmaya aragoodii lihidaa.Dumar ugu fil rooneey, dayax shan iyo tobnaad, dahab lagu mitaalaay. Da’deeda 17 jir guga loogu daraayee, ...
Read More »