LONDON (HN) — Muslimiin badan oo dunida ku nool, sannadkan bisha Ramadaan waxay u ahayd mid aad kaga duwan sannado badan.
Dadaallada ay dowladuhu kaga hortgayaan faafista cudurka Corona ayaa sababtay in Muslimiin badan oo dunida ku kala sugan aysan helin fursad ay masaajidda isugu tagaan si ay ugu cibaadeystaan.
Laakiin dad badan waxay go’aansadeen in Masjidkooda gaarka ah ay ka dhistaan gudaha guryahooda sida qoys ku nool Britain oo si cajiib leh guriga uga sameysay qeyb sida masjidka u sharaxan oo ay iskula tukadaan.
Maalmo kahor, sidoo kale wiil da’ar oo lagu magacaabo Yahya Murad Hussein oo ku nool Bradford ayaa isna guriga dhexdiisa ka dhistay Masjid uu ku cibaadeysto.
Da’yarkan sideed jirka ah ayaa yiri: “Markii la xiray masaajidda, waxaan go’aansaday inaan masjidkayga gaarka ah ka dhex sameysto qolkayga.”
Waxay ku qaadatay inuu qorshihiisa ku fuliyo muddo toddobaad ah. Wuxuu yiri: “Aalaaba anigaa addinka iyo aqinka yeeriya. Markaas kaddibna reerkayga ayaan wada dukanaa.”
Wuxuu ugu yeeray Muslimiinta kale inay masjidkooda ka dhex sameystaan guryaha, oo aanay sugin inta laga aadayo Masaajidda.
You must log in to post a comment.