crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> La kulan: Halyaygii Bulshadiisa ku beeray Jaceylka nadaafadda iyo bilicda! | HimiloNetwork

La kulan: Halyaygii Bulshadiisa ku beeray Jaceylka nadaafadda iyo bilicda!

MUQDISHO (HN) — Kaddib halgan adag oo uu ku bixiyay sidii uu bulshadiisa ugu baraarujin lahaa ol’olaha nadaafadda iyo bilicda degaanka, hadda wuxuu helay wadiiqo u sahleysa inuu dareenkooda ku hantiyo.

Rudi Hartono, oo Induniisiyan ah waa mulkiile goob cunnada fudud lagu iibiyo ku leh koofurta Sulawesi, wuxuuna muddo badan dadaal ugu jiray in dadku mas’uuliyad iska saaraan daryeelka magaalada ay ku nool yihiin. Wuxuuna ugu yeeri jiray inay kala qeyb-qaataan ol’olaha nadaafadda. Balse dadaalkiisu wuxuu ku dhammaaday dhicis.

Hayeeshe, marki uu xirtay huga spiderman-ka loo yaqaan, waa markii uu dareemay inay dadweynuhu daneynayaan howl-galkiisa. Waxaana uu soo jiitay indhaha dadka degaanka oo jecleystay inay kala qeyb-galaan ol’olaha nadaafadda. Wuxuuna noqday halyeyga dahsoon.

Hadda wuxuu sida caadadiisa ah ku labistaa maryaha spiderman-ka. Laakiin kaligiis kuma ahan shaqadiisa. Waxaa kala dhinac shaqeeya in badan oo marka ay arkaan si aan tilmaan laheyn isku xilqaama.

“Aniga oo waxba xiran ayaan markii hore howlgalkan bilaabay, mana helin dad iga garab siiya,” ayuu yiri. “Laakiin markii aan xirtay dharka spiderman-ka, waxay soo jiidatay indhaha dadka oo jecleystay inay igala qeyb galaan ururinta qashinka iyo nadaafadda guud ahaan.”

36 jirkan ayaa markii hore dharka spiderman-ka ku xiran jiray gurigiisa si uu ugu madadaaliyo walaalkiis ka yar, laakiin marwalba oo cunugu arko wuu ka ordi jiray.

“Waxaan maalin isku dayay inan banaanka ula baxo anigoo xiran, kaddibna dadku markii ay i arkeen waxay bilaabeen inay indhaha ila raacaan,” ayuu yiri. “Waxaana hadda aan sameeyey bog facebook ah oo aan soo dhigno muuqaallada shaqooyinka aan qabano si aan u helno dad badan oo qeyb ka noqda ol’olaha.”

Dadkii marka hore iska indha-tiray shaqadiisa, hadda waxay iskugu soo baxaan xeebaha iyo xaafadaha si ay qashinka uga ururiyaan.

Rudi wuxuu noqday halyey qaran, waxaana aad u hadal haya warbaahinta gudaha ee dalka Induniisiya.

error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!