MUQDISHO (HN) — Sannadkii saddexaad waxaa maanta oo kale dunida laga xusayaa maalinta caalamiga ah ee qoraalka farta indhoolayaasha oo la Braille.
Qarnigii 19aad bilowgiisa, Faransiiska waxaa ku dhashay wiil yar oo isaga oo saddex jir ah waayay nimcada aragga balse ugu danbeyntii ku guuleystay inuu hindiso qoraal ay wax ku bartaan kuwa sidiisa oo kale aan awoodi karin inay wax arkaan.
Maalinta Caalamiga ee Braille-ka waxaa loo dabaal-degaa 4 Janaayo sannad kasta. Waxay ku beegan tahay dhalashada Louis Braille oo ahaa helihii ay gaaxdiisa kasoo maaxatay qoraalka iyo aqrinta farta indhoolayaasha.
Maanta oo kale sannadkii 1809 ayuu ku dhashay dalka Faransiiska. Taniyo sannadkii 2019-ka, ayaa si kastaba, maalintan loo asteeyey maalin caalami ah si loogu baraarugo doorka farta Braille-ka ay ku leedahay aqriska iyo aqoonta dadka aragga la’.
Isaga oo saddex jir ah ayuu lumiyay aragga, ehelkiisuna waxay ahaayeen sabool dhacsiga nolol maalmeedka la halgama. Balse taasi kama horjoogsan inuu wax barto. Ugu dambeyntiina wuxuu ku guuleystay inuu hindiso qoraal ay wax ku bartaan dadka sidiisa oo kale naafada ka ah aragga.
Hal-abuurkiisa waxaa markii ugu horreysay loo daah-furay adduunweynaha sannadkii 1829-kii markii uu heer akadeemi ah gaarsiiyay aqoonta iyo barashada farta indhoolayaasha.
Dunida ahaan, tiro lagu hilaadiyay 285 million ayaa qaba dhibaato ama xanuun dhanka aragga la xiriira. 39 million oo kamid ah dadkaas, ayaa gebi ahaanba ah indhoolayaal.
Warbixin lagu daabacay bogga hey’adda caafimaadka dunida ee WHO ayaa lagu sheegay in badi dadka qaba xanuunnada ku dhaca iyo indhoolenimada ay da’doodu ka badan tahay 50 jir.
Jahligu waa halista ugu weyn oo ay wajahaan dadka aragga la’. In badan oo kamid ahna ma helaan fursaddii wax-barashada. Dalka oo muddo badan ku jiray soo kabasho iyo degaanka ay ku nool yihiin oo aan jaal-la-ahayn baahidooda, helid la’aanta fursad la siman asaagooda heysta nimcada aragga waxay dhabtii dhabtii mugdi gelinaysaa saadaal wacan oo laga bixiyo mustaqbalkooda.
Waxaase jira tusaalayaal nool oo laga diiwaan-geliyay qaaradda Afrika taas oo muujisay sida kuwa aragga la’ ay qeyb uga noqon kartaa go’aan ka gaarista mustaqbalka dalkooda iyaga oo kamid noqonaya codbixiyaasha.
Qore: Zaki Hiraale.
Kala xiriir: hiraal86@gmail.com
You must log in to post a comment.