MUQDISHO (HN) — Aqoonsashada in wada-hadalku fure u yahay is-fahamka, koox Muslimiin American ah oo ku sugan Dallas ayaa waddooyinkeeda ku dhejinaya boorar ay ku sawiran yihiin haween Muslimaad muxajabaad ah si loola diriro aragtiyada taban ee laga heysto.
“Waxa ugu muhiimsan waa inaan dadka barno waxa aan xiranayno iyo sababta ka dambeysa,” ayay tiri Ruman Sadiq, oo metelaysa Islamic Center of North America laanteeda Dallas iyo GainPeace.
Waxay sidoo kale soo kordhiyeen qad xiriir oo toos ay uga soo wici karaan cid walba oo su’aal ka qabta Islaamka iyo Muslimiinta. Waxaa intaas dheer inay ku guuleysteen ol’ole sees looga dhigay ‘xiro Xijaabka hal mar’.
“Nasoo gaar. Waa sida kaliya oo aan isku fahmi karno. Sida kaliya oo aan isku aqoonsan karno.” — ayaa halheys looga dhigay ol’olaha.
Ma ahan markii ugu horreysay oo GainPeace ay dadka baraan diinta Islaamka.
Febraayo 2019-ka, waxay dhejiyeen boorar lafu daabacay sawirada xijaabka.
Sannadkii 2017-ka, waxay sidoo kale bilaabeen ol’ole loo bixiyay Truthful Man”, si muwaadiniinta Maraykanka loo fahamsiiyo nolosha iyo shaqsiyadda suuban ee Nabiga NNKH.
You must log in to post a comment.