crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Muslimiinta Latino America oo KU fara-adeygaya barashada Diintooda. | HimiloNetwork

Muslimiinta Latino America oo KU fara-adeygaya barashada Diintooda.

MUQDISHO (HN) — Koox Muslimiin Latino ah ayaa gudaha Chicago kawada ol’ole isku soo dhawaanshiyo ka dhex abuuri kara bulshada – iyaga oo cunnooyin bisil, hu’ adag oo looga gaashaanto qabowga iyo sidoo kale dacwad Islaami ah siinaya dadka ayaanka liita iyo kuwa u baahan kaalmada.

Habeen walba oo Jimce ah samafalayaal ka socda Ojala Foundation waxay bartamaha Chicago – Southwest Side – oo ah meel aysan dadku jecleysan inay ku dhiirradaan maristeeda ku qeybiyaan cunnooyin.

“Marwalba oo ay na arkaan; waxay nagu dhahaan Muslimiintii waa kuwanaa,” ayuu yiri Raul Gonzalez, oo agaasime ka ah Ojala.

“Waxaan rabnaa inaan dareensiinno in Eebbe uusan moogeyn xaalkooda,” ayuu sii raaciyay.

Cunnada waxaa usii dheer qeybinta dhar iyo siinta macluumaad la xiriira Islaamka iyo Muslimiinta.

“Hispanic badan oo qaatay diinta Islaamka markay waayaan meel ay diintooda ku bartaan waxay ka weecdaan jidka toosan.”

“Waxaan isku daynaa inaan baahino farriimaha taabanaya dubaaqooda, balse waxaa ka horreysa inay helaan calool dhergan oo ay nagu maqlaan.”

Marka loo eego Islam in Spanish, tiro gaaraysa 250,000 oo Hispanic Muslimiin ah ayaa ku nool Maraykanka.

Casharada ku saabsan barashada diinta waxaa bixiya Sheikh Omar Hernandez, oo ah wadaadkii ugu horreeyey oo Hispanic Latino ah ee kasoo qalin-jebinaya Jaamacadda Madiina.

“Latinos badan waxay kasoo baxeen Kiristiyaanitiga; waxayse markii ay qaateen Islaamka ka weecdeen jidka toosaan madaama aysan helin meel lagu baro Islaamka,” ayuu yiri.

“OJala waxay isku dayaysaa inay baahidaas daboosho.”

error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!