crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> December | 2022 | HimiloNetwork

Monthly Archives: December 2022

La kulan – Gabadha ugu kalsoonida badan Shiinaha! +Sawirro.

MUQDISHO (HN) — Haweeney Shiinaha ku nool oo isheeda bidix ku weysay shil gaari oo ay gashay ayaa hadda xiratay il kale oo gacan-ku-sameys ah taas oo iftiimaysa ama bixinaysa midabyo kala jaad ah. Sannadkii 2013-ka, Xia Tong oo 18 jir ah ayaa gashay shil gaari. Waxayna ku weysay isheeda bidix. Waxaana loo geliyay il kale. Balse halkii ay ka lumin ...

Read More »

Nin 2060 jeer wacayay booliska muddo 9 maalmood ah.

MUQDISHO (HN) — Muddo 9 maalmood ah ayuu garaacay nambarka degdeg ah ee booliska 2,060 jeer kaliya si uu ugu qeyliyo una aflagaadeeyo. Wuxuu ugu yeeri jiray tuugo iyo dhamsaasyo. Ninkan oo 67 jir ah wuxuu degan yahay Saitama Prefecture. Waxaana laanta booliska ee degmadiisa uu nafta uga qaaday wicitaan. Lixdii daqiiqad kasta ayuu wici jiray si uu u caayo. ...

Read More »

Sheekada Ninka ‘iska dhigi jiray sarkaal’ si uu kaga yaabsado gabdhaha!

MUQDISHO (HN) — Nin Shiinaha u dhashay ayaa wajahaya xabsi ka gadaal markii la ogaaday inuu iska dhigayay sarkaal boolis muddo badan si uu uga yaabsado gabdhaha xaafadda. Toddobaadkii hore, booliska ayaa baahiyay warbixin ku saabsan raadgurka nin sarkaal ahaan iskaga dhigayay dadweynaha muddo badan. Ninka oo magaciisa lagu soo koobay ‘Zhu’,wuxuu si xeeladaysan u sameystay kaar ciidan oo lagu ...

Read More »

Sabab la-yaab leh ayay haweeneydan isaga furaysa seygeeda.

MUQDISHO (HN) — Haweeney iyo seygeeda oo ay is qabeen toban sannadood ayaa si yaab leh isku furay. Wuxuu caadeystay inuu ku raaxaysto kalluumaysiga iyo dabashada mallaayga. Wuxuuna siiyay mudnaan ka sarreysa nolosha qoyskiisa. Sidaas darteed ayay afadiisu u dalbatay inuu furo. Haweeneydan oo lagu magacaabo Zhang, waxay sheegtay inay ka noogtay la-qabsiga joogtada ah ee seygeedu qabatimay kalluumaysiga. Waxay ...

Read More »

La-yaab: Meyd iska dhig si deynta lagaaga cafiyo!

MUQDISHO (HN) — Waxay awoodi waysay inay iska bixiso lacag deyn ah oo lagu lahaa oo dhan  $268. Markii hore waxaa la siiyay fursad labaad. Laakiin markii la gaaray maalintii balanta, waxay ku fikirtay wax ay adag tahay inay ku fikiraan dadka nool. Waxayna iska dhigtay qof meyd ah. Sawirkeeda oo sanka looga gufeeyey cudbi – lana huwiyay maryo cad ...

Read More »

Ardayda Muslimiinta Windsor oo jaakado u qeybinaya Danyarta iyo Darbi-jiifta.

MUQDISHO (HN) — Sadaqo sokeeye dhaaftay waa sooma noqoto ayay tiraah Soomaalidu. Mana jirto tusaale ka qurxoon wax-bixinta loogu deeqo sokeeyaha kula nool ee danyarta oo aan ka ahayn midka ay horboodayaan dhalinyaro Muslimiin ah oo ka kala socda dhowr iskuul oo ku yaalla Kanada kuwaas oo wadajir iskugu keenay ku dhawaad boqol jaakadood oo ay dhaxanta iyo qabowga uga ...

Read More »

Barnaamijka ‘la kulan Jaarkaada’ oo lagu qabtay Maktabadda Flint + Sawirro.

MUQDISHO (HN) — Kulan isku imaatin iyo soo dhaweyn ayaa loo sameeyey dadyowga aan Muslimiinta ahayn ee jaarka la ah bulshada Muslimka ah ee ku nool Flint. Ujeedada ka dambeysa munaasabaddan ayaa ahayd in dadka la baro Islaamka iyo Muslimiinta isla markaana laga meyro fahamka qaldan oo ay ka gudbiyaan warbaahinta reer Galbeedka. Kulanka waxaa lagu qabtay maktabadda dadweynaha ee ...

Read More »

La kulan – Muslimadda farxad-gelisa Danyarta Maraykanka.

MUQDISHO (HN) — Iyada oo dooneysa inay farxad-geliso, ayay Sister Aminah Abdullah maalin aroorteed ay bilowday howlgal samafalka iyo wax-u-qabasho umadeed ah. Gaari ayay kasoo buuxisay jaadadka kala duwan ee mira-magaalka iyo qudaarta, waxayna hordhigi jirtay guryaha ay ku degan yihiin kuwa danyarta ah. Howlgal joogto ah ayuu u ahaa mashruucan taniyo markii uu dunida ku baahay xanuunka Covid-19. Hadda ...

Read More »

Diirsi iyo dareen walaalnimo oo uu horboodayo Masjidka Birmingham.

MUQDISHO (HN) — Baaq lagu tilmaamay isu-naxariisasho iyo walaalnimo ayuu sameeyey Masjidka Birmingham kaddib kolkii uu soo dhaweyn furan u sameeyey kuwa aan heli karin meel ay gabaadsadaan waqti uu qabowgu si daran uga jiro Yurub. “Maadama qiimaha wax iibsiga iyo qabowguba ay sare u kaceen, kaalay oo agteenna ku qaado diirimaad iyo hurdo raaxo leh,” ayuu yiri imamka Masjidka, ...

Read More »

Feeryahanka Tony Bellow ‘oo ku amaanay’ Qadar ‘mamnuuciddii Khamriga’

MUQDISHO (HN) — In kasta oo xog-ururin madax-bannaan oo hordhac ah taas oo lagu sameeyey tartamadii ugu wanaagsanaa koobka adduunka ee la qabtay qarnigan 21aad ay ku guuleystay daka Qadar oo sannadkan marti-geliyay koobka, haddana waxaa soo baxaya bogaadi iyo hambalyeyn isla socda oo lagu amaanayo sida quruxda ee dalkan yar u marti-geliyay dhacdadan caalamiga ah. Feeryahanka reer UK ee ...

Read More »
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!