MUQDISHO (HN) — Haweeney Shiinaha ku nool oo isheeda bidix ku weysay shil gaari oo ay gashay ayaa hadda xiratay il kale oo gacan-ku-sameys ah taas oo iftiimaysa ama bixinaysa midabyo kala jaad ah.
Sannadkii 2013-ka, Xia Tong oo 18 jir ah ayaa gashay shil gaari. Waxayna ku weysay isheeda bidix. Waxaana loo geliyay il kale. Balse halkii ay ka lumin lahayd kalsoonidii ay nafteeda ku qabtay oo ay ka cabsoon lahayd inay dadku ugu yeeraan gabadha isha la’, ileey iyo wixii lamid ah – ama ay xattaa ka xishoon lahayd aragtida dadka, gabadhan da’yarta ah ayaa go’aansatay inay sameysto sifo u gaar ah oo ay dadka kusoo jiidan karto.
Si fudud ayay dhibteeda ugu beddeshay dheef. Waxaana ay ku heshay taageerayaal badan. Hadda waxay dhistaa kalsoonideeda iyo midda dadka lamidka ah ee dhaawaceeda mid u eg uu soo gaaray, laakiin aan awoodi karin inay soo banbaxaan cabsi darteed iyo xishood awgiis.
Midabo kala duwan ayay isheedu bixinaysa waqtiga habeenkii u badan. Muuqaalladeeda ayaa hadda ku baahaya baraha Shiinaha waxayna ku heleysaa taageerayaal badan. Waxaana sidoo kale dhawaan ay soo jiitay hadalheynta saxaafadda caalamka.
Waxay warbaahinta u sheegtay inay dooratay qaabkan si ay usoo nooleyso kalsoonida dadka iyada lamidka ah ee dadweynaha ka cabsada inay wax ka sheegaan ama ku ceebeeyaan qaddarka ku dhacay. Dad badan oo ay la kulantay – kuwaas oo lumiyay mid kamid ah indhahooda – ayay xustay inay lumiyeen kalsoonida naftooda.
Farriinteeda ayaa ah inay iska hilmaamaan aragtida liidata oo ay iska qabaan. Waxayna ugu baaqday inay wajahaan xaaladda dhabta oo ay la nool yihiin.
You must log in to post a comment.