MUQDISHO (HN) — Muddo 9 maalmood ah ayuu garaacay nambarka degdeg ah ee booliska 2,060 jeer kaliya si uu ugu qeyliyo una aflagaadeeyo.
Wuxuu ugu yeeri jiray tuugo iyo dhamsaasyo.
Ninkan oo 67 jir ah wuxuu degan yahay Saitama Prefecture. Waxaana laanta booliska ee degmadiisa uu nafta uga qaaday wicitaan. Lixdii daqiiqad kasta ayuu wici jiray si uu u caayo. 27 saacadood ayuu isku dar ahaan wacayay booliska mudadaas 9-ka maalmood ah.
Ugu dambeyntii booliska ayaa ugu tagay gurigiisa kaddibna kusoo xiray saldhiga maadaama uu ciriiri geliyay shaqada adeegga bulshada oo booliska u hayo dadweynaha.
Wax lala yaabo ayayse noqotay markii ninkan uu sheegay inuu rabay kaliya boolisku inay gurigiisa yimaadaan si ay u xiraan.
You must log in to post a comment.