MUQDISHO (HN) — Sadaqo sokeeye dhaaftay waa sooma noqoto ayay tiraah Soomaalidu. Mana jirto tusaale ka qurxoon wax-bixinta loogu deeqo sokeeyaha kula nool ee danyarta oo aan ka ahayn midka ay horboodayaan dhalinyaro Muslimiin ah oo ka kala socda dhowr iskuul oo ku yaalla Kanada kuwaas oo wadajir iskugu keenay ku dhawaad boqol jaakadood oo ay dhaxanta iyo qabowga uga gaashaantaan dadka danyarta ah iyo darbi-jiifta.
Dhowr xarumood oo Islaami ah ayaa iska kaashaday ol’olahan oo ay ka qeybgaleen arday u badan Muslimiin oo kala dhigta iskuullada Kanada.
“Ka Muslim ahaan, inaan aragno walaalaheen oo waxa aan heysanno nala heysta oo aan ka qadneyn waa noo farxad,”ayuu yiri Leen al-Hamda oo ardayda kamid ah.
“Qofna kuma habboona inuu kaliya tiisa ka fikiro xilligan adag, waa lama huraan inaan u fikirno kuwa kale oo aan waxba heysan,” ayuu sii raaciyay.
Taniyo markii ol’oluhu bilowday, waxay iska soo ururiyeen in ka badan 4500 oo jaakadood.
Muslimiinta Kanada ayaa aalaaba lagu yaqaan inay gurmad la gaaraan dadka la dhiban qabowga.
You must log in to post a comment.